Arrimaha lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Madaxa UNDP

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa shalay kulan la qaatay madaxa UNDP u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Jocelyn Mason,  waxaanu kulanku ku bilaabmay is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha xaalada Somaliland iyo horumarada la taaban karo ee ay hay’adda garsoorka ku talaabsatay muddooyinkii u danbeeyay, waxaanay si gaar ah hoosta uga xariiqeen mashaariicda ay UNDP-du taageerto ee la xidhiidha sharciga, kala danbaynta iyo amniga.

Mr Jocelyn ayaa geestiisa soo dhaweeyay sida ay Jamhuuriyada Somaliland isku waafajisay xeer dhaqameedka iyo xeerarka qoran, waxaanu tibaaxay in arrinkaa horumar laga sameeyay, Jocelyn wuxuu sheegay in ay Somaliland maxkamadduhu kaalin weyn ka qaateen fidinta adeega sharci isagoo xusay in ay diyaar u yihiin xoojinta is-kaashi ee ay la leeyihiin garsoorka iyo haayadaha kale ee la hal-maala.

Guddoomiye Aadam ayaa geestiisa soo dhaweeyay Mr Jocleyn Mason waxaanu ku bogaadiyay UNDP doorka muuqda ee ay ka qaataan, horumarada dalka isagoo u soo jeediyay in ay sii wadaan taageerada ay Jamhuuriyada Somaliland siiyaan si ay Somaliland u hesho taageeradii ay xaqa u lahayd gaar ahaan hay’adda garsoorka iyo hay’addaha kale ee soo gala sharciga iyo kala danbaynta.