Arrimaha lagaga Hadlay Kalfadhiga 71aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo maanta furmay

 

Hargeysa (SLpost)- Kalfadhiga 71aad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta, waxaana furitaankiisa goob-joog ka ahaa 56 xildhibaan.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo shir gudoominayey kalfadhiga Saaka, ayaa kaddib markii uu furay Shirka Golaha, waxa uu ka hadlay Xaaladda Ammaan ee dalka iyo dib u dhaca Doorashooyinka Wakiilada iyo Degaanka Somaliland.

“Bariga shishe arimahoodu ma qurux badna, maalin walba wuxuunbaa dhimanaya, haday sidaa ku sii socoto dee fiditaan ayaa xigaya, hadii aynaan ka hawlgalin, inay inagu fiddo Illaahay kama dhigo, laakiin inaynu ka hawlgalo waa inaynu ku darnaa.

Golahan Guurtida waxa waajib ku ah markaa inuu dhextago oo uu guddi iska saaro oo uu dhex tago oo uu isku soo jiidjiido, inaga iyo dawladdaba xilbaa inaga saaran,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida mar uu ka hadlayay arinta doorashada ayaa waxa uu yidhi “Doorashooyinkan laga qaylinayo, muddana waynu qabanay, hadana waa la qaylinayaa, qayladaasina meel qudha ayuunbay ka socotaayoo, waxa weeyi asxaabtaa iyagu inagu buunbuuninaya, Asxaabta waxaanu leenahay ha la aqbalo, doorashada mudaa loo qabtay, mudadii loo qaybtay baanay ku dhacaysaa, waanaynu ka qaybgalaynaa,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.