“Aqoonsiga Somaliland Waxa Ku Jira Danaha Istiraatiijiyadeed iyo Dhaqaale ee UK” –Xildhibaan Michael Ellis

London (SLpost)- Xeer ilaaliyihii Guud ee hore ee Dalka UK, Sir Michael Ellis, ayaa soo bandhigay sababo Dowladda Ingiriiska ku waajibinaya inay hormuud ka noqoto aqoonsiga madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Sir Michael Ellis oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK, waxa uu sheegay in Somaliland ku taallo bogcad muhiim u ah ganacsiga iyo ammaanka dalalka reer galbeedka, sidaa awgeedna ay xilligan lagama maarmaan tahay in Somaliland loo aqoonsado waddan madax-bannaan.

Waxa uu xusay in Aqoonsiga Somaliland wax weyn ka tarayo isbeddelka ku yimi xaaladda ammaanka Badda Cas oo muhiimaddeeda la dareemay toddobaadyadii u dambeeyey kaddib markii weerarrada kooxaha Xuutiyiinta Yemen si weyn u dhaawaceen isu-socodka ganacsiga Adduunka.

“Somaliland waa saaxiib reer Galbeedku ku leeyihiin gobolka, waxaynu gacan ka geysan kartaa soo celinta xasilloonida marin-biyoodka maadaama ay kulaaleyso Gacanka Cadmeed,” ayuu yidhi Xildhibaan Michael Ellis, waxaanu intaas ku daray, “Danaha Istiraatiijiyadeed iyo Dhaqaale ee UK ayay ku jirtaa in la aqoonsado Somaliland, waana tallaabo muhiima in lagu dhaqaaqo,” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in Dekedda Berbera ku taallo goob istaraatiijiyad ahaan ku haboon inay ka hawl-galaan maraakiibta dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska.

Sir Michael Ellis iyo Wasiirkii hore ee Difaaca UK Xildhibaan Gavin Williamson oo toddobaadkii hore Socdaal ku yimi Somaliland, ayaa dorraad Magaalada London kula shiray Wasiirka Arrimaha Dibadda UK, Lord Cameron, waxaanay u soo bandhigeen muhiimadda ay xilligan Dowladda Ingiriiska u leedahay in Somaliland loo aqoonsado waddan madax-bannaan.