“Aqoonsiga Somaliland waa go’aankii Ugu saxnaa” – Wasiirul-dowlaha Wershaha Ethiopia

Addis Ababa (SLpost)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Wershadaha ee Ethiopia Tarekegn Bululta, ayaa go’aankii ugu saxsanaa ku tilmaamay in Dawladiisu waddan madax-bannaan u Aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirul-dawlaha Wershadaha Ethiopia wuxuu caddeeyay in go’aanka ay dawladiisu ku qorshaysay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay go’aankii ugu saxsanaa ee Ethiopia qaadato.

“Waxaan mahad-naq u jeedinayaa dawladaha iyo shacabka Somaliland iyo Itoobiya. Aqoonsiga Somaliland waa go’aankii ugu saxsanaa,” Sidaas ayuu yidhi Tarekegn Bululta oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa X.

Tarekegn Bululta oo ka hadlayey muhiimadda Heshiisku u leeyahay Ethiopia, wuxuu yidhi, “Tani waxay ka dhabaynaysaa Riyadii Ethiopia ee ahayd inay hesho marin-badeed.”