Aqalka Wakiillada oo Ansixiyey Xeer-hoosaad Lagu Rifay Awooddii Guddoomiye ku-xigeennada, Guddoomiye Cirro-na Gaashaan uga Noqonaya Mooshinnada Xukuumadda iyo Nuxurka Qodobbada muranka badan ka dhashay

Hargeysa (SLpost)- Mudanayaasha Golaha wakiiladda Somaliland, ayaa shalay Cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey Xeer-hoosaadka golahooda, kaas oo sahlaya in xil-ka-xayuubin lagu qaado labada Guddoomiye ku-xigeen oo khilaaf ba’ani ka dhaxeeyo Guddoomiyaha Golahaasi.

Xeer-hoosaadkan oo ka kooban todobaatan Qodob, waxa uu sidoo kale Guddoomiyaha Golahaas gaashaan uga noqonayaa duufaannada mooshinnada xil-ka-qaadis ah wata ee kaga yimaadda dhinaca xukuumadda oo aanay wakhtigan isku-san bannaanayn, maadaama uu yahay hoggaamiyaha xisbi miisaan ku leh mucaaradka dalka.

Golaha_Wakiilladda_SomalilandFadhiga shalay oo uu guddoominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, labada guddoomiye ku-xigeena ay garab fadhiyeen, ayay guddida Joogtadda ahi ku soo bandhigtay Xeerkan oo ay maalmihii u dambeeyey wax ka bedel ku samaynayeen, iyagoo dalbaday in loo codeeyo, hase yeeshee ka hor intii aan la coddayn waxa fadhiga golaha dibadda ugabaxay labada guddoomiye Ku-xigeen, kuwaas oo markii ay ka war-heleen dalabka guddi-hoosaadku soo jeediyeen, isla markiiba si cadho leh uga baxay Xarunta Golaha.

Guddoomiye Cirro, ayaa aqbalay in cod loo qaado Xeer Hoosaadka cusub ee ka rifaya awoodihii ay lahaayeen labadiisii ku-xigeen, isla markaana jidaynaya inaan guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa aan si sahlan xilka looga qaadi Karin, taas oo u muuqata mid gaashaan uga dhigaysay xilliyada ay duufaannada siyaasadeed ee mooshinnada xambaarsan kaga socday dhinaca xukuumadda.

Markii ay dibadda u baxeen labada guddoomiye ku-xigeen, waxa uu guddoomiye Cirro dalbaday in si toos ah codeynta loogu qaado xeerka cusub,  waxaana ogolaaday in xeerka loo codeeyo 44 mudane halka toban ka mid ahina ay dalbadeen in qodobbada xeerka ku duugan ay mudaneyaashu soo akhriyaan isla markaan fadhi kale laysaga yimaaddo ansixintiisa.

Haseyeeshee, markii guddoomiye Cirro shaaciyey in aqlabiyadda goluhu isku raacday u-codeynta xeerka, waxa golaha dhexdiisa ka bilaabmay buuq iyo saxawan ay mudaneyaasha qaarkood ku diiddanaayeen qodobbo ku jira xeer-hoosaadka Cusub iyaga oo dalbanayey in shir-guddoonku u dhammaado hoggaaminta fadhiga wax lagu ansixinayey.

“Shirguddoonku waa inuu u dhamaaddo, guddoomiye waa in shirgudoonku u dhammaado, haddii kale waa in saddexda guddoomiye laga dhigaa 1/3,” sidaa wax yidhi xildhibaan ka mid ah mudaneyaasha ka soo horjeeday ansixinta xeerkan.

Guddoomiye Cirro waxa uu ku dhawaaqay tirade xildhibaannada ogollaatay iyo kuwa ka soo horjeestay ansixinta xeerka, ka dib markii cod-gacan taag ah la qaaday, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Mudanayaal, 55 xildhibaan baa golaha fadhiya, mudanayaasha waafaqay in loo codeeyo xeerka waa

44 mudane, 10-mudane-na waxay u codeeyeen in la soo akhriyo, Markaa cod baan galinayaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Dhawaaqa guddoomiyuhu waxa uu circa ku sii shareeray sawaxankii golaha ka taagnaa, waxaana madasha laga maqlayey mudaneyaal ku dhawaaqayey weedho ay ku durayeen guddoomiyaha Golaha, kuwaas oo u muuqday eedayn ay ugu jeedinayeen in guddoomiyaha iyo mudaneyaasha ku taageersan ansixinta xeerku ay afduubeen ajandihii golaha.

“Gudoomiye ilaa la soo akhriyo cod looma qaadi karo, waxaanaan garanayn oo aanaan akhriyin lama ansixin karo, waana afduub, golaha waala af duubayaa, waana sharci daro, kitaab baad ku dhaarateen,” weedhahaasi waxa ay ka mid ahaayeen hadal uu golaha dhexdiisa ka yidhi mudane ka tirsan 10-ka xildhibaan ee soo jeediyey inay mudaneyaashu soo akhriyaan xeerka ka hor ansixintiisa.

Balse aqlabiyadda mudaneyaasha golaha oo ayidsanaa ansixinta xeerkan awgeed, waxa cod gacan-taag ah loo qaaday meel-marinta xeer-hoosaadka Cusub, codeynta ka dibna, waxa uu guddoomiyaha Golaha wakiilladu ku dhawaaqay natiijada. “Natiijadaan ku dhawaaqayaa; waxa ogolaaday 42 mudane, waxa diiday 4 mudane, 8 mudane way ka aamuseen, gudoomiyuhu muu codayn, lifaaqii iyo xeer-hoosaadkii sidaasay ku ansaxeen fadhigiina wuu inoo xidhan yahay,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Cirro.

Ubucda Qodobbada ku jira Xeerka La Ansixiyey

Qoddobada muhiimka ah ee ku jira Xeer Hoosaadka cusub ee Golaha Wakiiladda ee Awoodda hogaamineed siinaya Guddoomiyaha, isla markaana ka hortagaya in si dhib yar mooshinno isaga ka dhan ah laga soo abaabulo dhinac xukuumadda, waxa ka mid ah Qoddobada 10aad iyo 32aad ee Xeerka-hoosaadka la Ansixiyey, kuwaas oo kala odhanaya:

Qoddobka 32aad: Nidaamka fadhiyada Golaha

1.  Marka la fadhiyo Golaha waxaa xubnaha hortooda fadhiisanaya:

a) Guddoomiyaha

b) Labada Guddoomiye ku xigeen oo is bar bar fadhiya

c) Xogahayaha Guud iyo xoghaye ku-xigeenka oo is bar bar fadhiya

d) Hadal qoraalayaasha

e) Madaxda Golaha Martida u ah

2. Guddoomiyuhu waxa uu fadhiisanayaa faloorka sare qaybtiisa u saraysa keligii

3. Labada Gudoomiye ku-xigeena waxay is bar bar fadhiisanayaan Guddoomiyaha hortiisa, halkaas oo ka hoosaysa kuna beegan madasha uu fadhiyo Guddoomiyuhu.

4. Xoghayaha Guud iyo ku-xigeenkiisa waxa ay fadhiisanayaan labada Guddoomiye ku-xigeen bidixdooda.

5. Shaqaalaha hadal qoraalku waxay fadhiisanayaan halka ugu hoosaysa ee ka soo horjeeda kuraasta mudanayaasha.

6. Madaxda qaranka iyo kaaliyayaashooda oo aanu ku jirin Madaxweynaha/Madaxweyne ku xigeenku kuwaas oo lagu casuumay Golaha, waxa ay fadhiisanayaan midigta labada Guddoomiye ku-xigeen

7. Madaxweynaha/Madaxweyne ku-xigeenka haddii ay yimaadaan Golaha waxa ay fadhiisanayaan Guddoomiyaha dhiniciisa Midig oo ah faloorka sare qaybtiisa u sarraysa.

8. Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu fadhiisanayaa kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladduna waxa uu ka fadhiisanayaa dhinaca midigta marka ay jiraan fadhiyada wadajirka ah ee labada Gole.

9.  Guddoomiye ku xigeenada Golaha Guurtiduna waxay barbar fadhiisanayaan Guddoomiye ku xigeenada Golaha Wakiiladda kuwaas oo fadhiya faloorka ka hooseeya kuna beegan halka ay labada guddoomiye fadhiyaan.

Qoddobka kale waa ka 10aad: Xil-waayida Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa, ayaa u qoran sidan:-

1. Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen waxay xilka ku waayi karaan arrimaha soo socda:

  • Geeri
  • Istiqaalo qoraal ah oo uu u soo gudbiyo Golaha.
  • Maqnaansho cudur daar la’aan ah oo gaadhaya 45 cisho oo isku xigta.
  • Ku xad gudub shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, Xeer Hoosaadka Golaha ama shuruucda Qaranka
  • Xil gudasho la’aan joogta ah.
  • Dhimirkiisa oo wax u dhiman (waali, taasoo loo baahan yahay in uu soo cadeeyo guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay luguna kalsoonyahay)
  • Caafimaad-daro joogta ah ama awood beelid aau xilka la gudan Karin, taasoo loo baahan yahay in uu soo caddeeyo guddi dhakhaatiir ah, oo la aqoonsan yahay laguna kalsoon yahay.
  • Xukun kama danbays ah ay ku ridday maxkamad awood u leh oo uu ku mutaysanayo xabsi aan ka yarayn lix bilood.

2.      Mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen kuna salaysan asbaabaha ku xusan Faqrada 1aad, xarfaheeda c,d,e, waxaa keeni kara xidlhibaano aan tiradoodu ka yarayn saddex meelood meel (1/3) tirada guud ee Golaha. Codka xil ka qaadista wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyada saddex meelood laba meel (2/3) ee xubnaha guud ee marka laga reebo xubnaha banaanshahooda la baahiyey.

3. Soo jeedin Mooshin xil ka qaadis ee ku aaddan guddoomiyaha/Ku-xigeenadiisa waa inuu ahaadaa mid sababaysan oo ku salaysan sharciga.

4. Mooshin xil ka qaadista waxaa laga doodayaa laguna codaynayaa (3) maalmood gudahood oo maalmo shaqo ah, kamana yaraan 24 saacadood gudahood laga bilaabo taariikhda la keenay Golaha.

5. Haddii Mooshin xil ka qaadis laga keeno Guddoomiyaha Golaha, waxa fadhiga loogu codeynayo hogaaminaya Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ama 2aad kolba kii jooga.

6.  Haddii Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa isku mar kaliya laga keeno mooshin ah xil ka qaadis waxaa la marayaa talaabooyinka soo socda:

b) Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xil ka qaadida waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada inta ay ka dhamaanayso arrinta la xidhiidha soo codaynta waxaana fadhigan guddoominaya mudanaha ugu da’da weyn. Codayntuna waa Qarsoodi.

Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye ku-xigeenadu lumiyaan xilka, si waafaqsan qodobka 10aad ee xeer hoosaadka Golaha, Goluhu waxa uu muddo toddoba maalmood ah gudahood ku dooranayaa Guddoomiye ku-xigeenada cusub.

7. Haddii Guddoomiye ku-xigeenadu (GX/1aad; G/x/2aad) isu sharaxaan xilka Guddoomiyaha markay banaanaato, waa in ay u soo gudbiyaan iscasilaada Guddoomiyaha fadhiga, Goluhuna ka ogolaado.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaatee, In kasta oo mudaneyaasha fadhiga shalay ka soo xaadiray golaha ay aqlabiyaddoodu ogolaadeen ansixintiisa, haddana saan-saantii ka muuqatay fadhigaas, ayaa u muuqday mid bannaanka soo dhigay farqi weyn oo u dhexeeyey awoodda mucaaradka iyo mucaaradku ku  kala leeyihiin golahaas, in kasta oo tirade mudaneyaasha fadhiga ka maqnaa ay tiro ahaan u dhigmayeen Saddex-meeloodaw meel ka mid ah 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay.