“Annagu diyaar baanu nahay ee ninkii wax isla hayaa bannaanka ha u soo baxo…” Guddoomiye Cirro

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay furista ururrada Siyaasadda, Doorashada Golaha Guurtida iyo Doorashada Madaxtooyada oo ku muddaysan badhtamaha bisha November 2022-ka.

Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey munaasibad Hargeysa loogu qabtay Qurbejoogga Xisbiga eek u sugan dalka, waxa uu ku faanay natiijadii Xisbiga Waddani uga baxday Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo uu sheegay in Xisbigiisu ku guulaystay, sidaas awgeedna uu diyaar u yahay inuu ku loolamo doorashooyinka soo socda iyo furista ururrada siyaasaddaba.

Md Cirro waxa uu sheegay in doorashada Golaha Guurtidu ku muddeysan tahay muddo sannad ah gudihii laga bilaabo 31-kii May 2021 oo ahayd xilligii doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilladu ka qabsoomeen dalka, Doorashada Madaxweynuhuna qabsoomayso bsiha November 2022 oo ku beegan dhammaadka muddo-xileedka la doortay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Advertisement

Waxa uu guddoomiyaha Waddani sheegay in labadaas doorasho ay ku xigto doorashada Furista ururrada siyaasadda, haseyeeshee, sida la wada ogyahay, illaa immika ma jirto xilli cayiman oo loo muddeeyey furista ururrada Siyaasadda oo Xeerkiisa Golaha Guurtidu dhawaan ansixiyey.

Sidoo kale, lama oga in Furista Ururrada Siyaasaddu ka horreyn doonto Doorashooyinka Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada maadaama aanay jirin muddo cayiman oo qabsoomiddeeda laysku raacay.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey doorashooyinka uu sheegay inay dalka ka qabsoomayaan sannadka soo socda, waxa uu yidhi, “Dalka waxaa ku soo socda saddex doorasho oo kale; doorashada 1aad waa doorashadii golaha guurtida oo ah inay ku qabsoonto sannad gudihii oo ka bilaabmaya 31 May, doorashada labaadna waa doorashada madaxtooyada oo iyaduna ku beegan 13 November 2022, doorashada 3aad-na waa tii ururrada siyaasada.”

“Sadexdaba anagu diyaar baanu u nahay ninkii wax isla hayaa banaanka ha u soo baxo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo la hadlayey Qurbejoogga Xisbiga Waddani ee ku sugan dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On