“Anigu malcaamada Hargeysa ayaan ka galay oo gabigeedaba lug ayaan ku mari jiray intaan ey kaxaysto..” Wasiir Cadaani

 

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiiru dawlaha maaliyada Cimaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani oo wax laga waydiiyay qaabka biyaha Hargeysa loogu qaybinaayo ayaa si cadho leh ugu hadlay tirada dadka Hargeysa wakhtigan ku nool oo aad uga badan intii uu ku yaqaanay iyo sida loogu da’daalayo in biyo ay helaan iyaga oo aan daamo loo kala saarin.

CADDAANI

waxa uu hadalkan ka sheegay shir jaraa-id oo ay kaga hadlayeen sanduuqa horumarinta Somaliland oo warar aanay jeclaysan laga baahiyay “Anigu malcaamada Hargeysa ayaan ka galay iyo dugsiga hoosaba oo gabigeedaba lug ayaan ku mari jiray intaan ey kaxaysto, Hargeysi maaha tii ee waataas ay maanta inkabadan halka milyan ee dadka ah ku nool yihiin, ka masalaha dagan,ka niyuu Hargyesa dagan iyo Xaraf ka deganba waa isku mid ee dad uunbaa kala wada oo wax xumaynaaya, caasimada markaas biyaha waa laga dharginayaa dalka inta kalena waa laga dherginayaa.”