“Aniga ciilka iyo cadhada aan u qabo Axmed Silanyo u gudbin maayo ubadkiisa, waayo waxaan ogahay oon qirayaa in Illaahay ubad wanaagsan odayga siiyay “

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ay muddo badan soo wada-shaqeeyeen Madaxweyne Siilaanyo, ayaa soo bandhigay gol-daloolooyin ku lammaan hibada hoggaamineed ee Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), waxa uu hadal sarbeeb ah ku iftiimiyey in madaxweyne Siilaanyo yahay Shakhsi hoggaaminta iyo xilka uu umadda u hayo ku lammaaneeya qoyskiisa si la mid ah hab-dhaqankii uu lahaa Maxamed Siyaad Barre iyo carruurtiisu ku ahaayeen xukunnka, balse waxa uu sheegay in Eebbe Ubad wanaagsan siiyey madaxweyne Siilaanyo, taasina ka baajisay inuu ku sifoobo ama uu ka muuqdo hab-dhaqankaasi.

cali-guraySidoo kale waxa uu arritan ku iftiimiyey in madaxweyne Siilaayo uu dhalay isla markaana leeyahay Ubad wanaagsan, isaga oo taas tusaale u soo qaatay Munaasibadda Meherka gabadha uu madaxweyne Siilaanyo dhalay ee Habeen hore Xafladda Meherkeeda lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada.

Cali Guray waxa uu Qoraal kooban oo lagu baahiyey boggiisa Facebook kaga hadlay sida Magaca Kulmiye loogu bixiyey Xisbiga talada haya wakhtigii la aasaasayey sannadkii 2002-dii iyo Xafladda Meherka ee Habeen hore ka dhacay Madaxtooyada, ku baahiyey boggiisa Facebook-ga, waxa uu u duceeyey qoyska Cusub eek u soo kordhay Qoyska Madaxweynaha.

Mujaahid Cali Guray Qoraalka uu ku baahiyey Bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan:-

“Waryaadha u kaadiya! Aniga ciilka iyo cadhada aan u qabo Axmed Silanyo u gudbin maayo ubadkiisa, waayo waxaan ogahay oon qirayaa in Illaahay ubad wanaagsan odayga siiyay. Ha iga eegina in aan kala maqaam dhigo Maslax, iyo Cali Shigshigow, iyo Xasan Rubeeti oo ku hoos noola aabahood.

Habeenkii uu Axmed Silanyo gurigayga iigu yimi aan la saxeexay warqaddii xeer ilaalinta ee aanu KULMIYE ku diiwaan-gelinay maan waydiin magaca ururka, laakiin markii aan subaxnimadii soo kacay ayaan …ku arkay in la yidhaa KULMIYE anigoo makhaayad bun ka cabayana waxa dhegta igaga soo duushay waxa la yidhi” INANKIISA AYUU UGU MAGAC DARAR”, markaasaan xusuustay in inamadiisa mid Kulmiye magaciisu ahaa oo berigii Qaaxo ayay mucaaridkiisu ku xaman jireen wuxu ugu magac daray Xuseen Kulmiye Afrax AHN eh. Kolkaan bunkii dhamaystay ayaan guriga ugu tegay abaaro 9:00 subaxnimo. Toos ayaan ugu idhi waxa la leeyahay ururka magaca inankiisa ayuu u bixiyaye bal ka waran. Intuu qoslay ayuu yidhi ‘Caliyow cidda magaca bixisay in inankayga Kulmiye la yidhaaba may aqoon’.

Axmed beenta ma aqoon anna sidii baan ka rumaystay. Kulmiye bal maanta eega oo miyaan Maslax odhan karaa sow ilaahay I qabsan maayo. Saw noqon maayo qof cadhadu indho tirtay wax aan jirin loo sawiray.

Qoyska cusubi aniga waxa aan hambalyo iyo Duco ahayn igama mudna. Waxaan leeyahay Illaahay ha idinka dhigo kuwii isku raaga ee isku reeya ubad khayr qabana ilaahay ha idin kala siiyo.” Sidaas ayuu qoraalkisii ku soo gebegabeeyay Mujaahid Cali Guray.

SOMALILANDPOST.NET