“Anagu Lama Yaabanin Xukuumadda Waayo Ceeb Uhadhsan Oo Aaney Sameeyn Majirto Laakiin Waxaanu La Yaabnay Shirkaddaha Isgaadh Siinta Ee Kayeelay”Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf C. Gaboobe

Hargeysa(SLPOST):-mulkiilaha wargeyska ay xukuumadu xayirtay ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ka hadlay xayiraada wargeyskaas oo ilaa haatan soo gaadhay in laysku dayo in hawada laga saaro mareegtii warbaahineed ee wargeyskaas.

download (9)

Guddoomiyaha wargeyska  Haatuf Md. Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ka hadlay  xayiraada wargeyskaas oo ilaa haatan soo gaadhay in  laysku dayo in hawada laga saaro mareegtii warbaahineed ee wargeyskaas.

Mulkiilaha wargeyska Haatuf oo maanta shir jaraa,id ku qabtay  magaalada Hargeysa ayaa waxa uu eedayn kulul u soo jeediyey shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo ku xad gudbaya xuquuqda warbaahinta madaxa banaan.

Ugu horayn Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka hadlaya talaabadu ay xukuumadu ku xidhay wargeyskiisa Haatuf iyo talaabada ay shirkadaha isgaadhsiintu qaadeen ayaa waxa uu yidhi “Talaabada ay xukuumadu ku xidhay wargeyska Haatuf  waxay ka mid tahay talaabooyinkii u danbeeyey ee ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo kula dagaalamaysay xoriyatul qawlka gaar ahaana

xoriyada Saxaafada, mana aha talaabo naga hor joogsan doonta inaanu gudano xilkayaga warbaahineed, anagu lama yaabanin xukuumada waayo ceeb u hadhsan oo aanay samayn  ma jirto, laakiin waxaanu la yaabanahay shirkada isgaadhsiinta ee ka aqbalay inay xidhaan warbaahintii Internetka ee wargeysa Haatuf iyaga oo aan wax tix gelin ah siin shacabka Somaliland iyo dadkii macaamilka la ahaa mudada dheer, shirkadaha isgaadhsiinta iyo warbaahintana xidhiidh mudo dheer jiray ayaa ka dhaxeeyey  oo midiba ka kale isticmaali jiray.”

Yuusuf Cabdi Gaboobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay  inay shirkadaha isgaadhsiintu macaamiishooda ka door bideen dhawr qof amarka dhawr qof oo madaxtooyada hoos taga waxaanu yidhi “Maanta shirkadaha isgaadhsiintu waxay ka doorbideen macaamiishoodii dhawr qof oo ah ehelka madaxweynaha oo ku nool fooqa madaxtooyada kuwaa soo bari ka tagi doona meesha, waan aarin aad loola yaabo mana ah arin Haatuf waxyeelaysa  laakiin  iyaga ayaa wax is yeelaya waayo anagu xalay waanu  ka shaqaysiinay warbaahintii Internetka ee wargeysa Haatuf  iyaga oo xayiraad iyo wax walba nagu sameeyey, caqliga ku talinaya in la xayiro warbaahinta Internetka ee Haatuf  ee meeshan madaxtooyada fadhida waanu ognahay oo waa Baashe Moorgan, waxaanu iska dhigayaa xariif ku takhasusay warbaahinta laakiin dawlada jar ayuu ka ridayaa anagana waxba nama yeelayo.”

Mulkiilaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal ka soo baxay wasiirka macdanta iyo tamarta oo sheegay in dhaliilaha wargeyska Haatuf soo bandhigay ee la xidhiidha wasaaradiisa aan  laga siin fursad uu kaga hadlo, waxaanu Yuusuf tilmaamay inay markasta fursad siinayeen wasiirka macdanta balse uu wasiirku diidayey waxaanu yidhi “Haba yaraatee waxba kama jiraan hadalka wasiirka  waayo mar kasta oo aanu wax ka qoranay wasaarada   waanu la xidhiidhaynay waanan tagaynay wasaarada mar walbana wii diidayey inuu ka hadlo, maqaal kasta oo aanu ka qornayna waxaanu raacinaynay inaanu fursad siinay wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale balse uu nagu diiday, waxa kale oo aan halkan ka sheegayaa haddii aanu anagu khaladka lahayn oo aanu danbiga lahayn waxay ahayd in fursad nala siiyo oo aanu labadayada dhinacba cadaalada ka hor doodaan oo dhinicii khaldan danbiga la saaro taasna lama samayn.” Ayuu yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Ugu danbayntiina mulkiilaha wargeyska Haatuf waxa uu sheegay inaanay ilaa hada haysan fursad ay iskaga difaacaan eedaymaha lagu soo oogay waxaanu yidhi “Anaga cidii dacwada naga dhaxaysay waa dawladii, dawladiina namay siin fursad aanu gartayada ku sheegno ,xukuna way nagu riday, eedaysanayaal ayaanu nahay  waa taas xukunku dhacay ee hantidayadii xayiran tahay, yaanu la garanaa ee cadaalad qaadaya markaa, cidii naga cabanaysay ayaa ah  xaakinkii ah, garsoorkii ah, danbi baadhihii ah, markhaatigiina wata, markaas wax aanu samayno garan mayno oo aanu ka ashkatoono oo gartayada si cadaalad ah loogu qaado.” Ayuu yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Sidoo kale mulkiilaha wargeyska Haatuf waxa uu si qoto dheer uga waramay xidhiidhka ka dhaxeeya warbaahinta iyo shirkadaha isgaadhsiinta, waxaanu tilmaamay inay xidhiidhkaas haatan xumaynayaan shirkaduhu.

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

C/qaadir Askar