Amran Bile Cali: Aqoonyahanad si Xeel-dheer u soo bandhigtay Caqabadaha Ganacsi ee ka jira Somaliland

Maxay ka tidhi Caqabadaha Xuquuqaha Ganacsiga ee u dabran Qabyo-sharciyeedka iyo Saamaynta Wax-soo-saar la’aanta gudaha dalka?

Hargeysa (SLpost)- Amran Cali Bile oo ah Gabadh reer Somaliland oo takhasuskeedu yahay Aqoonta Horumarinta Shaqaalaha iyo Cilmiga Ganacsiga, ayaa ka warrantay heerka uu marayo ganacsiga Somaliland, qabyo sharci iyo siyaasadeed oo dhinaca dawladda ka jirta, culaysyada Bulshada iyo ganacsatadaba saaran ee dhinaca cashuuraha iyo sicirbararka, caqabadaha maalgashiga hortaagan iyo xalka lagaga bixi karo.

Amran Bile oo Marti ku ahayd Barnaamijka Xogta Siyaasadda ee ka baxa Baddacas24tv oo uu daaddihiyo Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal, waxa isaga oo dhinacyo badan taabanaya oo dhammaystiran Barnaamijkaas aan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-