Amiirkii Hore Ee Qadar Sheekh Khalifa Bin Xamaad Oo Geeriyooday

(SL.Post) Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Khalifa Bin Zamad Al-thani ayaa shalay Axadii ku geeriyooday dalkaas, iyadoo dowladda Qadar ku dhawaaqday Saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah.

3507

Sheekh Khaliifa Bin Xamad Al-thani ayaa da’diisu aheyd 84 sano jir, waxaana xilka boqortooyada uu hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1972 illaa 1995.

Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani oo uu awoowe u yahay u yahay Sheekh Khaliifa ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq, sida ay soo warisay wakaalada wararka ee dalka Qadar.

Sanadkii 1995 ayaa ahayd markii Amiirkii hore ee Qadar Sheekh Khaliifa la afgambiyay, isagoo fasax  ugu maqnaa dalka Switzerland.

Amiirkii hore ee Qadar waxa lagu xasuusan doonaa in sanadkii 1991-dii uu garoonka diyaaradaha magaalada Doxa ee dalka Qadar u ogolaaday diyaaradaha dagaalka dalalka Maraykanka Canada iyo Faransiiska oo xilligaas dagaal kula jiray Ciidamadii Saddaam Xuseen oo qabsaday dalka Kuwait.

Somalilandpost.net