“Allah dayici mayo dadaalkii ay sameeyeen dadka gobta ah ee gobolka Maroodijeex” – Barkhad Batuun

Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in axsaabta mucaaradku aanay ka soo horjeedin hanka Maayirnimo ee Cabdikariim Axmed Mooge.

Afhayeenka waxa sheegay in xisbiga WADDANI uu soo saaray Cabdikariim isla markaana ay taageersan yihiin hankiisa.

“Dareenka soo baxaya ee sheegay in axsaabta mucaaradka ahi anay arrinta Cabdikariim kawada sinayn, taas waxan leeyahay waa arrin aan meesheeda leekayn. Cabdikariim abuurkiisa siyaasiga ahi wuxu ku yimid rabitaanka iyo ogolaanshaha guddoomiyaha xisbiga WADDANI.” ayuu yidhi Barkhad.

Advertisement

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Cabdikariim 8 xildhibaan ee uu wataaba waa mucaarad, lama hayo hal xildhibaan oo muxaafad ah oo taageersan”.

Barkhad Batuun oo isaga laftigiisu ah xildhibaan loo doortay golaha Wakiillada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay, “Allah dayici mayo dadaalkii ay sameeyeen dadka gobta ah ee gobolka Maroodijeex, waxanan isleeyahay ALLE xagiisa ayaa laga aqbalay, rajo wayn baannan ka shakhsi ahaan ka qabaa in Cabdikariim uu noqon doono duqa caasimadda,” sidaas ayuu yidhi Barkhad Batuun.

Follow us On