Al-Shabab oo la ogaaday inay Boka Xaraam ku caawiyeen qaraxyo Abuja ka dhacay

Negria (SOLPOST) Jariiradada Poonch oo laga akhristo dalka Najeeriaya ayaa maanta oo Isniin ah daabacday in koox ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo xidhiidh la leh ururka Al-qaeda ay kooxda Boka Haram ku taageeren weerar dhiig badan uu ku daatay oo Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay goob laga raaco basaska oo ku yaala  caasimada Abuja.

Scene-of-the-blast-360x225

Jariidada ayaa sheegtay in laamaha sirdoonka dalka Najeeriya ay waqti hore ay heleen macluumaad quseeya iskaashi ka dhaxeeya dhaq dhaqaaqa Al-shabaab iyo kooxda Boka Haram oo ay dowlada Najeeriya ku eedeyneyso in weeraro badan ay sanadihii ugu dambeeyey ay ka geesatay dalkaasi Najeeriya ay ku dishay kumanaan qof.

Sirdoonka Najeeriya ayaa sheegay in xidhiidhka Al-shabaab iyo Boka Haram uu hada isku badalay in ay iska kaashadaan weerarada ay kooxdaasi ka wado dalkaasi gaar ahaan waqooyi bari Najeeriya.

Hogaamiyaha kooxda Boka Haram ayaa cajal Vedio ah uu sabtidii kasoo muuqday ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi ka dhacay Abuja in ay kooxdooda Boka Haram ka dambeeyen waxana ku dhimatay 75-qof tobaneeyo kala ay ku dhaawacmeen.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

.