Al-shabaab oo Xalay Qabsatay Saldhigyo Af-gooye Ku Yaala Waxaanay Ku Dishay Tobaneeyo Askari

Muqdisho(SLpost)-Ugu yaraan toban qof ayaa lagu dilay weerar kooxda Al-shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada dawalddu ku lahaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Al-Shabaab waxa u suurta gashay in ay qabsadaan dhawr saldhig ka hor inta aanay isaga bixin Afgooye salaadii subax ka hor, waxayna horey u sii qaateen labo gaadhi oo ah kuwa dagaalka.

Alshbaab ayaa kordhisay weerarada iyo qaraxyada ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya. Axadii waxa ay madaafiic ku weerareen gigida dayuuradaha ee magaalada Kismaayo oo xarun u ah ciidamada Amisom ee jooga Kismaayo.