Al-Shabaab oo sheegatay inay Guul ka gaadhay Weerarkii Balli-doogle iyo Dowladda Maraykanka oo ka hadashay

Muqdisho (SLpost)- Malleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Weerar qorsheysan oo gelinkii hore ee maanta lagu qaaday Saldhig Ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya, waxaanay sheegtay inay halkaas ku dishay ilaa 100 Askari.

Saldhigga Milatari oo sidoo kale fadhiisin u ah Ciidamada Danab oo ah guutada 43aad ee Milatariga Soomaaliya, ayaa kooxda Al-Shabaab ku weerartay gaadhi lagu soo xidhay waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday gedinka laga galo saldhigga, ka hor intii aanay ciidamada Al-shabaab gudaha u gelin Saldhigga Balli-doogle oo fadhiisin u ah Ciidamo Maraykan ah iyo Ciidammada sida gaarka ah u tababbaran ee Soomaaliya ee loo yaqaano Danab, halkaana uu ka dhacay Dagaal qadhaadh oo u dhexeeya Ciidammadii Al-shabaab oo dhinac ah iyo Ciidammada Maraykanka ee halkaa ku sugnaa iyo kuwo Danab oo isku dhinac ah.

Idaacadda Al-shabaab ee Andulus oo soo xiganaysa Saraakiil ka mid ah Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in Al-shabaab ay weerarka ay ku qaadeen Saldhigga Balli-doogle ay ku dileen illaa 100 Askari, isla-markaana burburiyeen ugu yaraan shan diyaaradood oo isugu jira Drones iyo Helicopters.

Waxa kale oo Warbaahinta Al-shabaab taageertaa sheegaysaa in kooxdii Al-shabaab ee Weerarka ku qaadday Saldhiggu ay qabsadeen goobo ka mid ah Saldhigga, illaa haddana gudaha Saldhigga ka dagaalamayaan.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay weerarka Al-Shabaab, waxaanay sheegtay inaan cidna lagaga dilin weerarkaas. “Askarina wax laguma yeelin Weerar Al-shabaab ku qaadday Saldhigga Balli-doogle,” sidaa waxa sheegtay Safaaradda Dawladda Maraykanku ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa Cambaareeyay weerarka Al-shabaab ku qaadday Saldhigga Ciidammada Maraykanku ku leeyihiin Balli-doogle oo uu xaqiijiyey jiritaankiisa.

“Maraykanku wuxuu cambaaraynayaa weerarrada Maanta ka dhacay Balli-doogle iyo Muqdisho..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu bogaadinayaa Ciidammada Amniga ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka hor-tagay Weerarkii Ciidammada Qaranka Soomaaliya (SNA) ee saldhiggoodu yahay Balli-doogle oo ah Gobolka shabeelaha Hoose,” Sidaas ayuu yidhi Safiirku.

Al-shabaab waxay sheegtay in Saldhigga Balli-doogle ay uu xarun u yahay Ciidammada Maraykanka, laakiin Safiirka Maraykanka Soomaaliya ma soo hadal-qaadin in xilliga weerarku dhacay ay Ciidammo halkaa ka joogeen Maraykanka, waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin inaan  Ciidanka Soomaaliya ee Saldhigga joogay aanay waxba ku noqonin weerarkaasi.

Saldhigga Balli-doogle, waxa ku sugan ciidamo Maraykan ah oo aan tiradooda la xaqiijin, balse waxa ay dowladda Maraykanku hore u sheegtay inay halkaas ku sugan yihiin Saraakiil iyo ciidamo kooban oo loogu talo-galay inay tabobarro u fidiyaan Milatariga Soomaaliya.

Source: Wakaaladaha Wararka iyo HCTV