Al-Shabaab oo Shaacisay Khasaare ay u Geystay Ciidamo Maraykan ah oo lagu Weeraray Gudaha Dalka Kenya

 

Nairobi (SLpost)- Dagaalyahanno ka mid ah kooxda Al-shabaab ayaa shalay Axaddii weerarray Saldhig ku yaalla Gobolka Lamu ee dalka Kenya, kaasi oo ay wadaagaan Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Kenya.

Masuuliyiinta Amniga ee dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in xooggaga Al-shabaab ee weerarray Saldhiggu ay burburiyeen diyaarad Maraykanku leeyahay oo Saldhigga la weerarray taallay iyo gaadiid kuwa Ciidammada ah oo halkaa yaallay, sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee AP oo warkan baahisay.

Dhinaca kalena, Al-shabaab oo soo saartay bayaan ay kaga hadlayso weerarka Saldhigga Lamu ayaa sheegatay inay dishay 10 Askari oo Maraykan ah iyo 6 Millateriga Kenya ah.

Al-shabaab waxa kale oo ay sheegatay inay weerarkaa ku burburisay diyaarad uu Maraykanku leeyahay oo saldhigga taallay iyo Gaadiid kuwa dagaalka ah,.

Kooxdu waxay Mareegaha Internet-ka ee taageera ku soo bandhigeen Sawirro muujinaya diyaarad fadhida oo gubanaysa, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay diyaaradda ay ku burburiyeen Saldhigga Ciidammada Maraykanka ee Lamu.

Toddobaad ka hor, Waaxda duulimaadyada ee Maraykank ee FFA ayaa ka digtay weerarro lala beegsado diyaaradaha ka diwaangashan Maraykanka ee isticmaala hawada Dalka Kenya.

 

Muxuu yahay Saldhigga SIMBA CAMP oo Al-Shabaab Weerartay?

Saldhigga ay weerarka xooggan ku qaadeen Xoogagga Al-Shabaab, waxa lagu magacaabaa SIMBA Camp, wuxuuna ku yaallaa magaalada Maanda Bay oo ku teedsan xeebta badweynta Hindiya ee gobolka Lamu oo ah gobolka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan dalka Kenya.

Saldhiggan waxaa markii ugu horreysay xadhigga laga jaray sannadkii 2004-tii xilligaas oo ahayd markii uu Maraykanku bilaabay inuu Isku ballaadhiyo dacallada adduunka saldhigyo Milatarina ka samaysto.

Markii la furayey saldhiggan, waxa lagu sheegay in lagu tabobarayo ciidammada badda Kenya balse markii dambe ayuu isku beddelay goob lagu diyaariyo ciidamo jinsiyo kala duwan leh kuwaas oo loo carbiyo la-dagaalanka argagxisada.

Sida ku cad warbixinnada laga diyaariyey saldhiggan, waa mid kuyaal jiidda hore ee dagaalka Kenya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna 100KM oo u jiraa xuduudka Soomaaliya, halkaas oo Maraykanku kala socdo dagaalka u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo Ciidamada dalka Kenya.

 

Somalilandpost.net