Al-Shabaab Oo Digiin Ka Soo Saartay Doorashada Madaxtinimada Iyo Baarlamaanka Somalia

(SL.Post) Al-Shabaab,  ayaa markii u horaysay ka hadashay doorashada dadban ee dhawaan ka dhacaysa dalka Somaaliya, oo lagu soo dooran doono Baarlamaan iyo Madaxweynaha.afhayeenka-al-shabab-sh-cali-dheere

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in doorashadaas go’aanka uga dagsan uu yahay dil iyo dagaal, isagoo digniin u jeediyay odayaasha soo xulaya Baarlamaanka.

“Go’aanka uga degsan Mujaahidiinta doorashadaas waa dil iyo dagaal, waa qorshe dowladaha shisheeye soo agaasimeen oo laga leeyahay ajandayaal gumeysi.”ayuu yidhi Cali-dheere.

Waxa kale oo uu u jeediyay Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka, in aanay noqon in laga dhigto jaran-jaro lagu koro halka la rabo, kadibna la iska tuuro.

Cali-dheere ayaa ku booriyay dagaalyahanada Al-Shabaab inay weeraro ku qaadaan goobaha doorashooyinka ka dhacaya, isagoo uga digay shacabka inay ka qayb-qaataan doorashooyinka.

 

Somalilandpost.net