”AHN Axmed Xasan Cawke isku Fasal baannu ahayn, Dhammaan Soomaalida oo dhan baanan ka Tacsiyadaynayaa” Muuse Biixi

 

Hargaysa(SLpost) -Guddoomiyaha xisbiga talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland haya ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda saxaafadda, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timi weriye .Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee dalka Itoobiya

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay Marxuum Axmed Xasan Cawke rukun wayn oo ka baxay guud ahaan dadka luuqadda Afka Soomaaliga ku hadla iyo guud ahaan Gobolka, kaas oo ahaa hal-abuure waxtar muhiim ah ku soo kordhiyey warbaahinta Af-soomaaliga ku hadasha. Waxaana uu sheegay in ay lixdameeyadii isku fasal ahaayeen

Halkan Ka Daawo Hadalka Tacsida Muuse Biixi oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=PxW4dU25cN4