Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Qaxoontinimo Weydiistay Dalka Maraykanka

Virginia (SLpost)- Cali Maxamed Cali oo dacwad budhcad-badeednimo loogu haystay dalka Maraykanka lagu waayey, ayaa la sheegay inuu magan-galyo ka dalbaday dalkaa.

Cali Maxamed CaliCali Maxamed Cali oo hore u ahaan jiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa badhtamaha sannadkii 2011 wakhti uu safar ku tagay dalka Maraykanka loo qabtay eedaymo la xidhiidha inuu qayb ka ahaa budhcad-badeed afduubtay Markab laga leeyahay dalka Denmark, iyada oo doorkii uu arrinkan ka qaatay lagu sheegay inuu ahaa Tarjumaan u dhexeeyay budhcad-badeedda iyo Ciddii Markabka iska lahayd.

Sida shalay lagu daabacay Wargeyska Front Page, ninkan lagu waayey eedahii loo haystay ee budhcad-badeednimo, ayaa la sheegay inay taasi u sahlayso inuu madaxbanaani uu waligii si madax-bannaan noolaado dalka Maraykanka.

Garyaqaanada Ellen segal Huvelle oo shaki la’aan la filayo inay bilowdo codsiga magangelyo-doonka ee Cali Maxamed, ayaa hore sidan oo kale ugu dooday eedeysane Murat Kurnaz oo ku guulaystay helitaanka degenaanshaha Maraykanka.

Todobaadyo ka hor uunbay ahayd markii Cali Maxamed uu ku siktay inuu wejaho xukun xabsi daa’in eedo loogu jeediay masuuliyadda afduub xeebaha dalka Yemen loogu geystay markab ganacsi sannadkii 2008, balse markiii dambe qaraar ka soo baxay maxkamaddaas lagu shaaciyey in wax dambi ah lagu waayay, waxaanu wakhtigan ku jiraa xarun lagu hayo dadka magangelyo-doonka ah oo ku taala gobolka Virginia ee Maraykanka, halkaas oo uu ku dalbanayo qaxootinimo uu dalka ku joogo.

Wargeyskan ayaa qoray in dembi la’aanta ninkan ee sahashay inuu madaxbanaani ku joogo dalka Maraykanka ay tilmaamayso halista ka soo waajahan eedaysanayaasha falalka argagxiso ee dacwadahoodu ka socdaan maxkamadaha Maraykanka.

SOMALILANDPOST.NET