Agaasime Gurxan oo ka hadlay Miisaaniyada 42-ka Degmo ee Somaliland iyo Heshiisyo Wasaaradda Maaliyaddu Shirkado la gashay

Advertisement

Hargeysa (SLpost)-  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan ayaa jawaabo ka bixiyey su’aalo ay mudaneyaasha Golaha Wakiilladu ka weydiiyeen wax-qabadka Wasaaraddu u hayso Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Maxamed Cabdi Gurxan
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Maxamed Cabdi Gurxan

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan masuuliyiinta Wasaaradda oo uu horkacayo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas ayaa shalay Golaha Wakiillada Horgeeyey Odoroska miisaaniyadda Qaranka ee 2022, waxaanay xildhibaanadu wax weydiiyeen su’aalo la xidhiidha miisaaniyadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa jawaabo ka bixiyey su’aalo laga weydiiyey Heshiisyo wasaaraddu la gashay shirkado gaar loo leeyahay iyo qaabka ay wasaarad ahaan u soo gaadho Qorshe Miisaaniyadeedka 42 degmo oo dalku ka kooban yahay.

Advertisement

Muuqaalka hoose ka daawo Jawaabo uu agaasimuhu ka bixiyey Weydiimaha Xildhibaannada

 

Advertisement