Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Xilkii Kala Wareegay Agaasimihii Hore

Xilwareejin4Hargaysa(SLpost)-Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa xilkii kala wareegay agaasimihii hore, Cabdisamad Cumar Maal oo hufnaan iyo badhaxtirnaan shaqo loogu makhraati furay madashii xilwareejinta.

Xilwareejintan agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa maanta ka qabsoontay hoolka shirarka ee wasaaradda arrimaha gudaha ,waxaana munaasibad balaadhan oo lagu sagootiyay Ka soo qayb galay maamulka/shaqaalaha wasaaradda, maayarada gobolada Hargaysa, Saaxil iyo Gabilay, Cuqaal iyo Marti sharaf kale.

Cabdisamad Cumar ayaa Masuuliyiintii Madasha ka hadlay dhamaantood isku raaceen inuu ahaa agaasime waxqabad,dadnimo iyo karti hufan kaga Wareegay Xilkii Wasaarada,waxaana ay ku amaaneen inuu ahaa qof shaqaalaha la socda baahidood,hufnaan shaqana ka muuqatay.

Maxamed Cismaan Dube oo isagu ku hadlayay Afka shaqaalaha ee wasaarada Arimaha Gudaha somaliland ayaa cadeeyay inuu Agaasime Cabdi Samad Ahaa Mid wax qabad ku suntan oo hayaan dheer u soo galay sidii Loo Xaqiijin Lahaa Waxyaabo Badan oo agaasimayaal Ka horeeyay aanu ku guulaysan

“Agaasimaha waxaanu ku sagootinaynaa waxqabadka Balaadhan ee Min Degmo ilaa Gobol ka muujiyay,waxaa uu ka dhabeeyay Himilooyin Badan oo Aad u waynaa taas oo Ahayd inuu Sameeyo Diwaan Galinta Cod Bixiyayaasha iyo Dhalashada oo iyaduna waayaheeda lahayd,waxaana uu maanta xafiiskan kaga tagayaa shaqaale dhisan oo uu u soo dhabar Adayga Waayihii Badnaa,waxaana uu Hirgaliyay Mashriic badan oo Dhax Gal u noqon Doona taas oo lagu Xasuusan Doono.

Maayarada Gobolada Hargaysa,Saaxil iyo Gabiilay oo iyaguna Madasha Hadalo Kooban oo Amaan u badan iyo waxqabadka agaasimaha iyo sida uu ula Shaqeeyay Ka jeediyay madasha ayaa ku sifeeyay shaqsi u soo dhabar adayga,Korna u soo qaaday wasaarada isaga oo kaashanaya Shaqaalaha ay Hufnaantu ku dheehan tahay ee garab Taagan.

Maayaradan ayaa qiray inta uu xilka hayay inuu iyaga shaqo wanaag u muujiyay iyo bisayl Dad-nimo ku dheehan tahay oo kor u qaaday wada shaqaynta joogta ah ee ay wada yeelan jireen,waxaana uu u rajeyeen shaqada cusub ee loo Magacaabay inuu ale ku asturo,waxaana agaasimaha cusub ku gunaanadeen waanooyin ay Hortaalo Su’aalo Door Ahi.

Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa tilmaamay in Loo baahan yahay in sidii uu dadka ula shaqayn Jiray Agaasimihii Hore kan Cusubna looga Baahan yahay,waxaana uu u rajeeyay inuu Xilka ilaahay u dhib yareeyo.

“Qaranka Somaliland ayaa Furihiisu yahay in maalinba si ay shaqadu dar-dar u yeelato xilka la isku badalo layskana Qaado Maaha in wax kale ku jiraan,Agaasimaha Cusub waxa hortaal howl Waayaheeda leh oo loo baahan yahay inuu ka dabaasho yeeshana Dhabar Adaygeeda,Meel ay imanayaan Salaadii,Dad Mago isku haystay,markaas daganaan ayaa loo baahan yahay,Agaasimihii Horena waxaan ku sagootinayna wax qabadka uu muujiyay.

Badhasaabka Gobolka Burco,Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha ayaa si iskumid ah iyaguna u sagootiyay,iyaga oo ku majiirtay inta uu xilka hayay waxqabad muuqda oon sacabo lagu qarin Karin,waxaana ay u rajeyeen inuu noqdo Mid Hiigsada Meel kasii saraysa halka uu joogo.

Xilwareejin2Agaasimihii Hore ee wasaarada Cabdisamad Cumar Maal ayaa waxqabad Muuqda ku soo bandhigay Madasha,waxaana uu ka shekeeyay Min Degmo ilaa tuul iyo Gobolba Waxqabadka uu ka hirgaliyay isaga oo kaashanayay Meel kasta Maamulkeeda,waxaana uu ku dhiiraday inuu Ka dhabeeyo Diwaan Galinta Codbixiyayaasha iyo Diwaan galinta Madaniga ah isaga oo Hayaan Dheer u Galay inuu bulshadiisa wax u qabto.

Cabdisamad ayaa Midh-midh u taabtay buugaagna ku soo daabacay wada shaqaynta ay leeyihiin Wasaaradaha dalka,Maayarada iyo Badhasaabada,isaga oo ka shekeeyay in maalin kasta waayaheeda lahayd dhib Badan u soo mareen sidii ay u Xaqiijin Lahaayeen Arimaha ay bulshadood u qaban Lahaayeen.

Agaasimaha Cusub ayaa isna xilkan lagu warejiyay ilaahay ka baryay inuu ku asturo,waxaana uu rajeeyay in sidii loogu talo galay uga soo bixi doono isaga oo kaashanaya laamaha kala duwan ee wasaaradu ka kooban tahay.

Gaba-Gabadii waxa xilkii labada agaasime u kala wareejiyay kasiir ku xigeenka gobolada iyo degmooyinka Somaliland kaas oo ku sheegay in agaasimaha hore waxqabad Muujiyay si aan loo tabinna agaasimahan cusub looga baahan yahay inuu gufeeyo Meel kasta oo Banaanaata.

Xilwareejin 3 Xilwareeejin 1

Somalilandpost.net.