Agaasimaha Samafalka oo Ka Hadashay Xarrunta Agoomaha ee Dawladda Kuwayt Maalgaliso oo Cabasho laga Bixiyey

 

Hargaysa(SLpost)-Mareeyaha Samafalka Madaxtooyada Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye ayaa ka hadashay eedo musuq-maasuq oo loo jeediyay xarumaha agoomaha ee uu maalgaliyo dalka Kuwait kaas oo ay sheegtay inaanay waxba ka jirin eedaha loo jeediyay.

Aamina Maxamuud Diiriye ayaa tilmaamtay in Kuwait inta ay joogtay dalka maalgalisay agoomo badan isla markaas Qaabishay,Waxbarashadoodana Kafaysay si ay u soo gadhaan dadka Waalidkoodu waxbarayo,waxaana ay amaantay sida hagar La’aanta ah ee ay u kefeyeen Baahidooda.

Mareeyaha ayaa dadka ka cawday deeqaha ay bixinayso kuwait u hoga tusaalaysay in ay joojiyaan mudaharaadka aan macnaha badan ku fadhiyin ee caruurta agoomaha ka joojinaya deeqdan ay ka heleen dalka ay walaala yihiin.

 

Geesta kale waxa ay sheegtay in ay dhawaan shaqaalaha ka hawl gala soo bandhigi doonto, waxaana ay hoosta ka xariiqday in dadka deegaanka dagan ee la jaarka ahi in ay ka shaqeeyaan.

 

Halkan Ka Daawo Shir-jaraa’id oo ay Maareeyaha Hay’adda Samafalku Qabatay:

 
https://www.youtube.com/watch?v=1XVzpJTynNc