Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta & Aw-Qaafta oo Kulan La Qaatay Culimada Gobolka Sool iyo Qodobbo Laga wada-hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa maanta Xubno ka tirsan Culimada gobolka Sool Kulan kula qaatay xarunta gobolkaas ee Laascaanood, kaas oo ay kaga wadahadleen qodobbo muhiim u ah horumarinta Diinta Islaamka.

Waxay Agaasimaha iyo Culimada Reer Sool ka wadahadleen midaynta Eedaanka Salaadaha, kor u qaadista Shaqada Hay’adda Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista gobolkaas oo fadhigeedu yahay magaalada Laascaanood iyo xoojinta barashada Diinta oo ay Wasaaradduna dedaal ugu jirto.

Culimadu waxay uga mahad-celiyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasiirka Wasaaraddaasba Shaqada hufan ee horumarinta iyo ilaalinta Diinta Islaamka ee ay ku hawlan yihiin iyo sida ay isugu wadaan Culimada dalka, una xaddideen khilaafaadka Diiniga ah.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda, ayaa labadii sannadood ee ugu dambeeyey muujisay dedaal badan oo ay ugu jirto horumarinta Diinta Islaamka, diiwaangelinta Maddarasadaha, Macallimiinta dhiga, kor u qaadista aqoontooda, samaynta hal Manhaj oo mideeya waxbarashada Diiniga ah, isku-xidhka Culimada dalka, wacyigelinta Bulshada iyo wax ka qabashada wax kasta oo dhaawici kara Diinta Islaamka, Dhaqanka Suubban iyo Suulinta Caadooyinka soo jireenka ahaa ee aan Diinta waafaqsanayn.

Waxa kale, ay Madaxda Wasaaraddu ku dedaaleen dhisidda aqoonta Shaqaalaha Wasaaradda, Culimada oo Tabobbarro loogu sameeyey inta badan gobollada dalka, xoojinta Xidhiidhka ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu la leedahay Dalalka Islaamka, sida Turkiga, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo dalal kale oo Muslimiin ah.

Somalilandpost.net