Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xilalka U Kala Wareejiyey Agaasime-waaxeedyo La Isku Beddelay

Hargeysa (SLpost) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Prof. Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse, ayaa Maanta xilka u kala wareejiyey Agaasime-waaxeedyo uu dhawaan isku beddel ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda beeraha Cabdiqaadir Iman Warsame

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray Agaasimaha waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta Cabdiqaadir Aadan Carab, Agaasimaha guud, ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee waaxda Maamulka iyo lacagta Shacbaan Mawliid Diiriye iyo Agaasimihii hore ee Waaxdaasi Maxamed Cismaan Dubbe oo isaouna xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Waaxda Shaqaalaha Yaasmiin Xasan Siciid oo loo beddelay Waaxda Gaadiidka, halka Agaasimaha Waaxda qorshaynta Axmed-werdi uu xilka kala wareegay Agaasimihii Waaxda Saadaasha Cabdiqani Yuusuf Gallaydh oo Waaxda Qorshaynta loo soo beddelay.

Sidaasi oo kale, Agaasimaha guud wuxuu xilka u kala wareejiyey Agaasimaha waaxda Dhulka iyo Biyaha Mr. Farxaan oo beddelay Agaasimihii hore Mawliid Xasan Cabdi oo loo beddelay Maareeyaha Mashaariicda beeraha ee Wajaale iyo Beer oo isaguna xilka kala wareegay Maareeyihii ka horreeyay Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe oo isaguna xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Waaxda Fidinta Cumar Daahir Cumar.

Waxa kale oo xilka la kala wareegay Agaasimaha cusub ee Waaxda Abuur-badinta (Soma-seed) Raxma Ismaaciil Faarax oo xilka kala wareegtay Agaasimihii ka horreeyay Shacbaan Mawliid oo loo beddelay waaxda Maamulka, halka Raxma ay xilkii hore ku wareejisay Xisaabiyaha cusub ee Wasaaradda Beeraha Fu’aad Badmaax.

Agaasimaha guud oo halkaa ka hadlay, ayaa Xubnaha uu xilalka u kala wareejiyey kula dardaarmay Inay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan.

Waxa xusid mudan, inuu xil-wareejinta goob-joog ka ahaa Hanti-dhowraha Wasaaradda Horumarinta Beeraha.