Afhayeenka Waddani oo Ka Hadlay Khilaaf la Sheegay inuu ka Dhexeeyo isaga iyo Guddoomiye Cirro

Hargeysa(SLpost) – Maalmihii u dambeeyay ayay soo baxayeen warar ku saabsan in guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo afhayeenkiisa xisbiga Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa khilaaf kala irdheeyay, balse Afhayeen Ibraahin ayaa markii u horaysay warkaasi beeniyay sheegayna inaanu jirin khilaaf u dhexeeya isaga iyo guddoomiyihiisa.

 

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo warkaasi saxaafadda ku soo baxay ka jawaabaya ayaa yidhi “ Aad iyo aad baan uga xumahay warkaasi, saxaafaddana Anshaxa iyo dhaqanka inay ilaaliso ayaa muhiim ah. Faallo tifaftiraha website-kaasi sameeyay oo aan sal iyo raad lahayne uu caqligiisa ka keenay oo uu buunbuuniyay oo been caddaana ah ayuu ku soo daabacay.”

 

Xildhibaan Buubaa oo u waramay telefishanka Royal ayaa sheegay in warkaasi ahaa mid mala-awaal ah islamarkaana aanay suuro gal ahayn in isaga iyo guddoomiye Cirro iskhilaafaan. Waxa uu sheegay in umadda wararkaasi heshay u qaadan wayday jiritaanka khilaafkaasi.

 

Geesta Kale Xildhibaan Ibraahin waxaa la waydiiyay farqiga khilaafka Ucid ee sanadkii 2012 iyo ka hadda ka taagan ee u dhexeeya hogaanka “Aad iyo aad bay u kala xoog roon yihiin oo kani heshiisyo gaar ah buu ku salaysan yahay, kaas horena wuxuu ahaa khilaaf xisbiga gudihiisa uun ka dhashay laakiin, kani heshiisyo la wada galay ayuu salka ku hayaa oo musharax madaxweyne ayuu dabada ku hayaa waxaanse leeyahay wixii heshiiska lagu ahaa ha lagu dhammeeyo khilaafka,” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim.