Afhayeenka Kulmiye oo Dhaliilo u jeediyey Xisbiga Waddani

Hargeysa (SLpost)- Xisbul-xaakimka tallada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa ku eedeeyay xisbiyadda mucaaradka ah inay si xun u faafiyeen dhacdadii xibsiga weyn ee Hargeysa.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Muxumed Xasan Buuni, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa ku dhaliilay hogaanka xisbiga Waddani sida khaldan ee ay uga hadlaan arrimaha qaranimadda.

Cabdinaasir Buuni, waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dhacdadii xabsiga dhexe ee Hargeysa, taasoo saxafiyiin toos u gudbinayay dhacdadaasi ay xukuumadu xidhay.

Advertisement

Waxaanu sheegay afhayeenka Kulmiye in ay mudan yihiin in tallaabo laga qaado saxafiyiintaasi, maadaama oo ay dhacdadii xabsiga buun-buuniyeen.

Follow us On