Afhayeenka Ciidanka Qaranka oo Faahfaahiyey Dagaal Gobolka Sanaag ku Dhexmaray Ciidamo Puntland ah

 

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, Gashaanle Sare Cabdi Cabdilaahi Xasan ( Cabdi Dheere), ayaa faahfaahin ka bixiyey iska hor-imaad milatari ee deegaannada Bari ee gobolka Sanaag ku dhex-maray Ciidanka Qaranka iyo ciidamo ka socda maamul-goboleedka Puntland.

War-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Ciidanka Qaranka, ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland isku dayeen inay jidgooyo u galaan badhasaabka gobolka Badhan iyo ciidamo uu watay oo ku sii jeeda magaalada Laasqoray.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

“Waxa jira inay Maamulka Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 badhasaabka laasqoray ee Jamhuuriyadda Somaliland, isku dayeena inay dilaan, hase ahatee illaahay ka badbaadiyay, waxay daandaasi joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan badhan iyo degaanada ku hareeraysan .

Saaka abaaro lixdii iyo badhkii (6:30 Am) subaximo, waxay ciidamada Maamulka Puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18km u jira Yubbe, halkaana waxaa isku haleelay ilaaladda hore ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo, iyagoo ka qabsaday hub iyo gaadiid intaba.

Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland doonimaayo dagaal, laakiin haddii laga dayn waayo daandaansiga joogtada ah wuxuu ka gudan doonaa wajibaadkiisa cid kasta oo isku dayda inay daandaansato Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net