Adeegga Boosta ee Somaliland oo si Rasmi ah u Bilaabmay iyo Ujeeddada Socdaal Wasiirka Isgaadhsiintu ku joogo Djibouti

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

“Waxaanu u sheegaynaa Shacabka Somaliland gudo iyo dibadba inay bilaabantay Shaqada Boosta Somaliland, Jabuutina ay tahay marin (Hub) ay soo marayso Boostu…”

Maanta waanu soo aragnay waraaqo iyo alaabo badan oo ku socoto Somaliland oo taalla Boosta Jabuuti,” – Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Djibouti (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Somaliland Dr Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta kormeer iyo indho-indhayn ku tagay Xarunta Boosaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo qaabka ay u shaqayso.

Wasiir Cabdiwali oo uu weheliyo dhiggiisa dalkaas Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon, waxa uu kormeer guud ku galaa-bixiyey Qaybaha kala duwan iyo Qalabka ay ku shaqayso Xarunta Adeegga Boosaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo masuuliyiinta hay’addaasi si gooni-gooni ah sharraxaad uga siiyeen wasiirka qaababka ay u shaqayso Boosaha dalkaas.

 

Kormeerka Xarunta Boosta ee Jabuuti iyo Wasiir Cabdiweli oo loo sharraxayo qaabka ay u shaqayso

Kormeerka kaddib, waxa sida wada-jir ah warbaahinta ula hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Djibouti Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon iyo Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horeyn, wasiir Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu soo dhawaynay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo booqasho rasmi ah oo shaqo iigu yimi, booqashadaas oo ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada shacab ee Jabuuti iyo Somaliland ee ah dhinaca isgaadhsiinta iyo Boosaha”.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha ee Djibouti

Wasiirku waxa uu sheegay in kulan gaar ah oo labadooda dhexmaray shalay ay kaga wada-hadleen sii xoojinta dhinaca iskaashiga isgaadhsiinta isla markaana adeeggaas loo wada gaadhsiin labada waddan isla markaana loo kala faa’idaysan lahaa, kormeerka maantuna yahay indho-indhayn iyo faham guud oo ku saabsan isku-xidhka iyo wada-shaqaynta Boosaha labada waddan.

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi, ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada rasmiga ah ee socdaalka uu ku joogo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah markii labaad ee uu booqdo dalkaas sannadkan iyo waxyaabaha uu kala kulmay kormeerka uu ku maray Qaybaha kala duwan ee Boosta dalka Jabuuti.

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

“Waxaanu u jirnaa hawlo shaqo oo la xidhiidha sii labada wasaaradood u wada-shaqayn lahaayeen. Waa markii labaad ee aan imaaddo Jabuuti, markii horena waxay ahayd bishii March, xilligaasna waxaanu kala saxeexannay heshiis ka kooban afar qodob; in layska kaashado dhinaca isgaadhsiinta, Boosta, isweydaarsiga Aqoonta iyo Khibradda iyo wada-shaqayn guud, sidii intaas loo fulin lahaa ayaanu wadnay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland isagoo intaas ku daray in kulan shalay dhexmaray dhiggiisa Jabuuti isla markaana ka wada-hadleen horumarinta iyo iskaashiga dhinaca Isgaadhsiinta, kormeerka maantuna ku saabsan dhinaca Boosta.

Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland waxa uu sheegay in hawsha Adeegga Boosta ee Somaliland la bilaabay muddo saddex bilood ka hor, isla markaana ay boosta Somaliland hoos-tagto oo soo marto dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

 

“Muddo ilaa saddex bilood ah boostu way bilaabantay. Boosta ku socota Somaliland iyo boosta ka imanaysa waxay sii martaa Jabuuti, markaa waxaanu isla qaadannay sidii loo sii adkeyn lahaa loogana dhigi lahaa mid joogto ah. Maanta waanu soo aragnay waraaqo iyo alaabo badan oo ku socoto Somaliland oo taalla Boosta Jabuuti,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaanu u sheegaynaa Shacabka Somaliland gudo iyo dibadba inay bilaabantay Shaqada Boosta Somaliland, Jabuutina ay tahay marin (Hub) ay soo marayso Boostu. Dhanka kalena in tiknoolajiga layska kaashado maadaama dhaqaalaha adduunku imika ku socdo mid qaab casri ah loo adeegsado, waddamaduna way ka faa’idaysanayaan. Markaa maadaama Jabuuti tahay walaalaheenna inoogu dhow inaynu iska kaashanno waannu ka shaqaynay.”

 

 

Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi ayaa noqonaya Wasiirkii sagaalaad muddadii Somalialnd jirtay ee isagoo haya xilka wasaaradda Isgaadhsiinta booqasho ku taga dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaanu taas tusaale uga dhigay baaxadda awoodeed ee uu leeyahay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti gaar ahaan dhinaca iskaashiga Isgaadhsiinta. 

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo xilkaas wasaaraddaas hayey tan iyo bishii December 2017 ee bilowgii dhismaha xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa noqonaya masuulkii ugu habboonaa Aqoon, xirfad iyo waayo-aragnimo ahaan ee loo magacaabo wasaaraddaas muddadii Somaliland jirtay. Sidoo kale, waxa uu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee hirgeliya adeeg boosto shaqaynaya oo Somaliland leedahay. Dhanka kale, waxa ay wasaaraddiisu dhawaan soo qaban-qaabisay shirweynihii u horreeyey muddadii Somaliland jirtay ee ay isugu yimaaddaan shirkadaha Isgaadhsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada la xidhiidha Tiknoolajiyadda, iyadoo sidoo kale shirweynahaas ay ka qayb ka ahayd Carwo ay shirkaduhu ku soo bandhigeen adeegyadooda, iyadoo wasaaradda lagu ammaanay tallabadaas ay hirgelisay.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost.net