“Adduunyaa la joogaa, tii Aakhirona way dambaysaa, Sunnihii Islaamnimona wuu kaa muuqdaa, Hooyada cadceedda ku iibinaysa tamaandhada ee…” Wasiirka Madaxtooyada oo wax laga weydiiyey Cadaalad-falka Xukuumadda iyo Hadal-hayntiisa Fara-badatay

“Adduunyaa la joogaa, tii Aakhirona way dambaysaa, Sunnihii Islaamnimona wuu kaa muuqdaa, hooyada cad-cadeedda ku iibinaysa tamaandhada ee laga qaado cashuurta, ninka taajirka ah iyo ka madaxda ah dhammaantood, waxa loo baahan yahay in si isku-mid ah loogu caddaalad sameeyo, Adigu ka wasiir ahaan ma isleedahay xukuumadda aad ka midka tahay waa mid u caddaalad samaysay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland?

“Adduunyaa la joogaa, tii Aakhirona way dambaysaa, Sunnihii Islaamnimona wuu kaa muuqdaa, hooyada cad-cadeedda ku iibinaysa tamaandhada ee…” Wasiirka Madaxtooyada oo wax laga weydiiyey Cadaalad-falka Xukuumadda iyo Hadal-hayntiisa Fara-badatayLondon (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali X. Xasan, ayaa caddaad-darrooyin inta badan lagu eedeeyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay ay u nisbeeyey kalsooni-darro dadku ka qabaan xukunnada iyo go’aamada ka soo baxa garsoorka iyo hay’adaha kale ee dalka, haseyeeshee ay xukuumad ahaan shacabkoodu u siman yahay isla markaana si isku mid ah ay ugu caddaalad-falaan inta awooddooda ah.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu ku dooday inaan toosnaanta iyo caddaalad-falka xukuumaddooda lagu qiimayn karin indhaha siyaasiyiinta iyo dadka mucaaradka ku ah hoggaamintooda oo uu ku tilmaamay qaar kursiga iyo talada dalka ka riixanaya sidaas awgeed cidda kaliya ee dareen ahaan ka garsoor ka noqon kartaa ay yihiin dadka shacabka ah.

HALKAN KA DAAWO

SOMALILANDPOSTNET