Abwaan Reer Somaliland ah oo Farmaajo u tiriyey Gabay uu ku dhiirrigelinayo inuu yimaaddo Hargeysa

Garoowe (SLpost)- Abwaan Faarax Murtiile oo ka tirsan abwaannada Qurbejoogga ah ee Somaliland, ayaa gabay uu ku dhiiri-gelinayo inuu booqasho ku tago magaalada Hargeysa u jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Abwaanku waxa uu Tixda Gabayga ah ka hor-tiriyey madax fara-badan oo ku sugnayd xafladdii caleemo-saarka ee madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland.