Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Hargeysa ku Geeriyooday

Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa gelinkii dambe ee maanta Hargeysa ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Eebbe Naxariistiisa Janno ha siiyo Abwaan Hadraawi ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad u yaallay cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Geerida Marxuumka waxa ka hadlay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo umadda Afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan shacabka Somaliland ka taciyadeedyey Geerida Marxuum Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo uu ku tilmaamay Abwaan, filasoof, Dhaqan-yaqaan wax badan ku soo kordhiyey Suugaanta Soomaalida Kontonkii Sanno ee u dambeeyey.

Sidoo kale, waxa geerida marxuummka ka hadlay hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran oo tacsi u diray ehelkii, asxaabtii, qaraabadii iyo umadda Somaliland ee uu ka baxay marxuum Maxamed Ibraahim Warsame Hadrawi.

Allah u naxariistee Marxuum Hadraawi ayaa Baal dahab ah kaga jira Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida, isagoo Gabayo iyo Maansooyin badan ka tiriyey Arrimaha Jaceylka, Haweenka iyo Dhaqanka, iyadoo si gaar ah loogu xusuusto maanso Cajiib ah oo uu ka tiriyey Qiimaha Hooyadu leedahay.

Haddii Allah idmo, waxa aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa Taariikhdii Marxuum Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net