Abiy Axmed oo Shacabka ugu baaqay inay Naftooda Huraan iyo Wararkii u dambeeyey Dagaalka Itoobiya

Addis Ababa (SLpost) Raysal-wasaare Abiy Axmed, ayaa Shacabka Ethiopia u sheegay inay u di0yaar-garoobaan dagaal naf-hur ah si dalkooda uga badbaadiyaan xoogagga mucaaradka, xilli ay dowladda Maraykanku muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka baxaan dalkaas.

Dagaalka muddada sannadka ah qaatay ee u dhexeeya Milatariga Federaalka Ethiopia iyo maleeshiyaadka Tigrayga oo ku hanjabaya inay weerarayaan caasimadda Addis Ababa, ayaa sii xoogaystay maalmihii u dambeeyey.

“Waa in nafta la huraa, laakiin naf-hurkaasi wuxuu badbaadin doonaa Itoobiya. Waynu soo marnay tijaabooyin iyo Caqabadaha, waxaanay innaga dhigeen kuwo awood badan,” Sidaa waxa bartiisa Twitter Sabta maanta ku baahiyey Raysal-wasaare Abiy Axmed, waxaanu intaas ku daray, “Waynu ka saaxiibbo iyo xulafo badannahay kuwa innaga soo horjeestay.”

Hadalka Abiy Axmed ayaa ku soo beegmay maalin kaddib markii ay Isbahaysiga ku dhawaaqeen siddeed Kooxood oo isugu jira kuwo siyaasadeed iyo Jabhado Kooxda TPLF ugu awood badan tahay, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay inay talada dalka xoog kaga tuuraan Abiy Axmed ama ay oggolaysiiyaan inuu Miiska wada-hadallada soo fadhiisto.

Xukuumadda raysal-wasaare Abiy ayaa ku gacan-saydhay isbahaysiga shalay lagu dhawaaqay oo ay ku tilmaantay mid ay taageero iyo magac ku raadinayaan, waxaanay xustay in qaar badan oo ka mid ah kooxaha xubnaha ka ah isbahaysigu aanay haysan wax taageero ah.

“Haddii aynu nahay shacabka Ethiopia, Sharaf bay inoo tahay inaynu u dhimanno difaacista qaranimadeenna iyo midnimadeenna. Muwaadinimo ma jirto, haddii aanay naf-hurid jirin,” waxa sidaas barta Twitter ku baahisay Wasaaradda warfaafinta ee Ethiopia.

Dhinaca kale, safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa Sabtida maanta ku amartay inay dalkaas ka baxaan dibloomasiyiinta aan shaqooyinka muhiim ah haynin, waxaanu dhawaaqani ku soo beegmay maalin kaddib markii ay ku amartay dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ah inay dhakhso uga baxaan dalka Ethiopia.

Dhawaaqa dowladda Maraykanka ayaa yimi kaddib markii ergayga Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman oo toddobaadkan socdaal ku yimi Addis Ababa uu ku guul-darraystay wada-hadalo dhex-dhexaadin ah oo xambaarsan xabbad-joojin iyo wada-xaajood.

Sida ay baahisay warbaahita Al-Jazeera oo soo xiganaysa ilo-wareedyo dibloomaasiyeed, ergayga Maraykanka iyo dowladda Ethiopia ayaa ku kala kacay wada-xaajood dhex-dhexaadin ah oo ku saabsan nidaamka loo marayo xabbad-joojinta oo aanay isfaham ka gaadhin.