Abaanduulaha Ciidamada Jabuuti Oo Sheegay Tiradda Dhimasho iyo Dhaawac Askarta Reer Jabuuti Weerarkii Buulo Barde

Hiiraan Somali(SLPOST) Dawalada Jibuuti ayaa faah faahin ka bixisay askartii kaga geeriyootay weerarkii todobaadkaan ay Al-Shabab ku qaadeen xili habeen ah degamada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan.

Subagle-500x375

Amaanduulaha ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya jooga Jen Cismaan Nuur Subagle oo la hadlay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in 5 askari oo Jabuutiyaan ah ay ku geeriyoodeen weerarkii Buulo Barde isla markaana ay uga dhaawacmeen illaa 7 askari oo kale.

Jen Subagle waxaa uu xusay in 7 askari ee kaga dhaawacantay weerarkaasi oo dalka wax looga qaban waayay loo qaaday dalka Koofur Africa oo lagu soo daweynayo..

“Dhankeena 5 askari ayaa naga geeriyootay weerarkaas 7 kalena waa ay nagaga dhaawacantay iyagana  khasaare badan ayaan gaadhsiinay” ayuu yidhi Jen Cismaan Nuur Subagle abaanduulaha ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya jooga.

Jeneraalku waxaa uu xusay in aaney ku niyad jabeyn weerarada noocaan oo kale ah ee ka dhacaya Soomaaliya.

Dawlada Jabuuti waxay ka mid tahay dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland