Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Covid-19 u geeriyooday

 

Muqdisho (SLpost)- Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta aas-qaran u samaysay madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Mahdi Maxamed oo toddobaadkii hore magaalada Nairobi ugu geeriyooday xannuunka Covid-19.

Aaska marxuumka oo ay ka qayb-galeen Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa kuwa mucaaradka ayaa loo xannibay Isu-socodka Magaalada Muqdisho iyadoo Jidadka waaweyn ee magaalada ay xidheen ciidammada Milatariga iyo kuwa booliska, waxaanay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor-dig ah.

Advertisement

Liibaan Ali Mahdi oo marxuumku dhalay ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in aabihii u geeriyooday xannuunka Covid-19, xaaskii uu marxuumku ka dhintayna la dhigay cusbitaal ku yaalla Nairobi oo xaaladdeeda lagula tacaalayo kaddib markii xannuunka laga helay.

Cali Mahdi oo da’diisu ahayd 86-jir, ayaa noqday madaxweynihii u horreeyey Soomaaliya kaddib burburkii dowladda Maxamed Siyaad Barre, waxaana si ku-meel gaadh ah xilkaas loogu magacaabay shir dib u heshiisiin ah oo Soomaalida loogu qabtay magaalada Jabuuti wax yar kaddib burburkii dowladdii Dhexe.

Bidix: Cali Mahdi iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid

Haseyeeshee, waxa madaxweynenimadiisa ka soo horjeestay oo cudud hubaysan ku qaaday General Maxamed Faarax Caydiid oo dagaal qadhaadh oo beelaysan ku dhexmaray magaalada Muqdisho.

Cali Mahdi ayaa markii u horeysay ku soo biiray saaxadda siyaasadda Soomaaliya sannadkii 1969-kii wax yar ka hor inqilaabkii Siyaad Bare kula wareegay talada dalka, isagoo xilligaas noqday xildhibaankii ugu da’da yaraa ee ku biiray golihii sharci-dejinta ee dawladdii Rayidka ahayd ee Soomaaliya.

Marxuum Cali Mahdi Maxamed

Muddooyinkii u dambeeyey, waxa uu Cali Mahdi noloshiisa ku qaatay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, isagoo ahaa oday Soomaaliyeed oo la tixgeliyo iyo sidoo kale maal-qabeen guulo badan ka gaadhay dhinaca Ganacsiga. Cali Mahdi waxa uu iska lahaa Hoteellada ugu wanaagsan ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyey noloshiisa mar uu ka hadlay siyaasadda xilligan ee Soomaaliya, waxa uu siyaasiyiinta ku loollamaysa hoggaaminta dalkaas ugu baaqay inay sharciga ixtiraamaan oo hirgeliyaan doorasho si nabad ah ku dhacda.

“Cidina awood kuma haysan karto talada dalka, sidaas awgeed waxaan ka dalbanayaa siyaasiyiinta iyo dowladda xilka haysa inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah, haddii kale dagaal sokeeye inuu dhaco ayaa suurta-gal ah,” Sidaas waxa yidhi Cali Mahdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi xilli uu khilaaf xooggan u dhexeeyey midowga Murashaxiinta iyo Dowladda Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On