Aafada Ka-Ganacsiga Dhulka oo Xukuumaddu u Aqoonsatay Mushkiladaha Cadaaladeed ee ugu badan Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa mushkiladda cadaaladeed ee dalka ugu badan ku tilmaamay ka-ganacsiga dhulka iyo inuu Gacanta ugu jiro Shacabka oo murankiisa mararka qaarkood amni-darro sababo.

Md Xuseen Axmed Caydiid oo maanta ka hadlayey munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Maayirkii hore iyo Maayirka Cusub ee caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay mushkiladaha cadaaladeed ee dalka ka taagan ay ugu badan tahay arrimaha dhulka oo uu ku tilmaamay Ilo dhaqaale laga raadsado.

Xuseen Axmed CaydiidWasiirka oo ka hadlaya mushkiladaha ka taagan dhulka, waxa uu yidhi, “Waxa weeye Mushkiladaha Cadaaladeed ee Dalka ka taagan waxa ugu badan waa arrimaha dhulka , waxaana gacanta ku haysa inta badan Dawladda hoose.Dhulka waxa uu noqday ganacsi iyo ilo-dhaqaale laga raadiyo oo wax Nin walba uu qabsado ayuu noqday oo uu wax ka kalena ku sii qabsado, waxaana ka taagan dacwado aan dhamaanayn. Waxaan leeyahay dhulka ha loo raaco xeerarkiisa nambar 17 oo aynu isku dayno in mushkiladaha dhulka ee Dadwaynuhu isku haystaan oo waxa Maxkamadeheena wareeriyay ee marar badan keena xaalad meel adag gaadha  waa dhulka, taasna aynu aad uga tababushaysano oo aynu sugno qofka xaqa u leh Dhulka.”

SOMALILANDPOST.NET