35-jir loo doortay Madaxweynaha Dalka Chile

Santiago (SLpost)- Waddanka Chile ee qaaradda Latin America, waxa shalay looga dareeray doorasho ay dadweynaha dalkaasi ku doorteen madaxweyne cusub oo shanta sanno ee soo socota hoggaamin doona dalkaas.

Natiijada hordhaca ah ee codbixintii shalay, ayaa lagu shaaciyey inuu doorashada ku guulaystay Gabriel Boric oo ah 35-jir ku cusub siyaasadda dalkaas, waxaanu ka sharraxnaa xisbiga dhinaca Bidixda oo ka guulaystay murashaxii u tartamayay xisbiga Midigta fog José Antonio Kast.

Gabriel Boric oo noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa dalka Chile, ayaa hoggaaminayey kacdoon ardayda dalkaasi kaga soo horjeedeen xukuumadda talada haysa

Advertisement

Natiijada codadka la dhiibtay oo 99% la tiriyey, waxa uu Boric helay boqolkiiba 56, halka murashaxii la tartamayey uu ka helay boqolkiiba 44.

Siyaasigan da’da yar ayaa hoggaamin doona waddan ay sannadihii u dambeeyay gilgileen mudaaharaadyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo caddaalad-darro iyo musuqmaasuq baahsan.

Taageerayaasha xisbiga madaxweynaha cusub ayaa maanta isugu soo baxay badhtamaha caasimadda Santiago, iyaga oo lulaya calamo isuguna bogaadinaya guusha uu gaadhay siyaasigii ay taageereen.

Mr Boric oo kumanaan taageerayaashii ah la hadlayey kaddib shaacinta guusha uu ka gaadhay doorashada, ayaa yidhi, “Waxaan ina hortaagan caqabad aad u weyn. Waxaan ogahay in sannadaha soo socda uu mustaqbalka dalkeennu halis ku jiro hadduu sidan ku sii socdo, markaa waxaan dammaanad qaadayaa inaan noqon doono madaxweyne u hoggaansama dimoqraadiyadda, rabitaankiinana tixgelinaya, in badan wax dhegaysta oo midnimada dadka ka shaqeeya.”

Waddanka Chile oo ku yaalla Xeebta Koonfur-Galbeed ee Latin America, ayaa ka mid ah dalalka dhaqaalahoodu xasiloon yahay, balse waxa muddooyinkii u dambeeyey hadheedhay bannaan-baxyo ay shacabku ku dalbanayaan caddaalad iyo sinnaan dhinaca fursadaha ganacsiga iyo shaqo-abuurka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On