2292 Ka mid ah Xujaajtii Soomaalida Oo Diiday in Ay Sucuudiga Ka Noqdaan

 

 

Jidah(SLpost)- Sarkaal u hadlay guddida qabashada Xajka ee dawladda Sucuudiga ayaa sheegay in kumanaan ka mid ah xujaajtii sanadkan ka timid Somalia diideen inay dalkooda dib ugu noqdaan, markii ay dhammaysteen waajibaadka Xajka. Waxa uu sheegay in inka badan boqolkiiba sodon codsanayaan joogitaanka boqortooyada Sucuudiga.

 

Warbixin uu daabacay wargeyska Al-wadan(Alwatan) ee sucuudiga ayaa lagu sheegay in xaalado ammaan darro iyo dhaqaale xumo oo ka jirta Somalia ay kumanaan Xujaajta Soomaalida ahi codsanayaan in Sucuudiga Degnaansho laga siiyo.

 

Sanadkan waxaa Somaalida xajka ka tagay  Todoba kun laba boqol iyo sideetan(7280) xaaji, kuwaasi oo laba kun iyo laba boqo sagaashan iyo laba xaajil(2292) oo ka mid ahi diideen inay Somalia ku noqdaan, deganaanshana waydiisteen boqortooyada Sucuudiga.

 

“31.48% xujaajta Soomaalida sanadkan waxay dalbanayaan inaanay dalkoodii ku noqon ee ay joogaan boqortooyada Sucuudiga, sababtoo ah ammaan darro iyo xaaladda dhaqaale xumo oo dalka ku baahday,” ayaa lagu yidhi warbixinta iyadoo la sheegay in xafiiska xajka ee Soomaalida iyo xujaajtu isku fahmi la yihiin dib u noqoshada, waxaana la sheegay in arrintaasi laga wada hadlay maadaama uu soo dhaw yahay wakhtigii joogitaankoodu kaga eekaa.

 

Sanadkan ayaa la sheegay in Soomaalida ay masiibadii xajka ka dhacday ay kaga dhinteen lix qof.