1-da July oo loo aqoonsaday Maalinta Soomaalida Maraykanka

Minneapolis(SLPOST)Waxaa golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota oo ah halka ay ugu badan yihiin Jaaliyada ugu balaadhan ee Soomaalida Maraykanka ayaa waxay u aqoonsadeen in maalinta 1da july ay noqoto maalinta Soomaalida Minneapolis.

GolahaMinneapolis1

Arrintan ayaa waxay noqoneysaa mid Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi iyo Maraykanka ay maalintooda si rasmi ah loo aqoonsado isla markaana horumar u ah dhiirigelinta dhaqanka Soomaalida iyo waliba midnimadooda. Magaalada Minneapolis ayaa ah mid Soomaalida ay ka sameeyeen ganacsi xoogleh, isla markaana xubno kuleh golaha deegaanka ee magaaladaasi oo uu kamid yahay Xildhibaan Cabdi Warsame.

CabdiwarsameMN1-

Cabdi Warsame oo arrintan ka waramayey ayaa sheegay in aqoonsiga maalintan ay dadaal weyn u galeen isla markaana uu rajeenayo jaaliyadaha kale ee Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka ay ku daydaan.

Dhinaca kale magaalooyinka mataanaha ah ee Saint Paul iyo Minneapolis ayaa waxaa shalay ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo raafka ay dowlada Kenya ku hayso Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Office