Zlatan Ibrahimovic iyo Kevin Prince Boateng oo farriin hanjabada u diray kooxda Arsenal ka hor kulanka Champion-ka

SLpost Sports – Laba kamida ah afarta nin ee ugu muhiimsan kooxda AC Milan ayaa wax fudud ka soo qaaday qoryo tuurkii koobka horyaalada Yurub oo ay kooxdodu ku dhacday kooxda Arsenal.

Tan iyo markii Isku aadkaan cusub ee koobka The Uefa Champions League la sameeyey Kooxaha iyo Tababarayaasha waxay Wareysiyo ku dhiibayeen hadalo kul kulul iyo hanjabadyo.Laacibiinta kooxda Ac Milan ee kala ah Zlatan Ibrahimovic iyo Kevin Prince Boateng  ayaa wax fudud ka soo qaday kulanka ay la ciyaarayan Arsenal.

Ibrahimovic  ayaa sheegay in uu garanayo sida gool looga dhaliyo kooxda reer England ee Arsenal.Waxaa uu tusaale u soo qaatay goolashii uu ka dhaliyay Arsenal xiligii uu u ciyaaray kooxda Barcelona.Xiddiga reer Ghana Kevin Prince Boateng wuxuu leeyahay  Arsenal sidii hore uma awood badana oo Ac Milan ayaa dhan kasta kaga wanaagsan waxay Arsenal ku soo dhaafi doonaan si sahlan waa sida uu qabo Boateng oo aan Taariikhda labada kooxood la socon.

Arsenal ayaa aaminsan in ay Milan marsiin doonto wadadii ay marsiisay 2009-kii markas oo ay ku garaceen garoonkooda San Siro ee magaalada Milano.

Sports News Desk

sports@somalilandpost.net