ZAKI: Saliid u wanaagsan Nafaqeynta & Soo-celinta Timaha Go’a iyo Xog-warran ku saabsan tijaabooyin lagu sameeyey

UntitledHargeysa (SLpost)- Aamina Xuseen ayaa sheegtay in saliidda Zaki aan lagu darin wax kiimiko ah, isla markaana waxtar fiican u leedahay joojinta timaha go’a iyo soo celinta kuwa baaba’ay sida bidaarta.

Saliidan magaceedu yahay Zaki oo loogu diyaariyey guud ahaan timaha baaba’ay ayey sheegtay inay ku hindistay bilowgii baahi jirtay awgeed, isla markaana tijaabooyin kala duwan dabadeed lagu guulaystay diyaarinteeda.

“Saliidan hindisaheedu waxuu ku yimi dhibaato ka haysatay dhinaca timaha qof ehel aanu nahay, muddo sannado ah ayaan waday baadhitaankeeda, oo Ilaahay mahadii aakhirkii aan ku guulaystay inay xal u noqoto dhibaatadii aan u raadinaynay,” ayey tidhi Aamina Xuseen.

Dad kala duwn oo rag iyo dumar-ba leh ayaa tijaabiyey isticmaalka saliidan Zaki, isla markaana sheegay inay xal ugu heleen dhibaatooyinkii xaga timaha ee haystay.

Aamina Xuseen oo ka hadlaysay caafimaad ahaan isticlaamka saliidan ayaa sheegtay in saliidan Zaki gebi ahaanba aanay ku jirin wax kiimiko ah, laakiin laga diyaariyey saliido dabiici ah iyo dhir, sidii daawo-dhaqameedkii Soomaalidu hidaha u lahaan jirtay inay isku daweysana, marka tijaabo waxtarka geedka lagu ogaadana, si la mid ah waxtarka saliidan lagu ogaaday tijaabo.

“Diyaarintan saliidan Zaki looma adeegsan wax kiimiko ah, waxa laga diyaariyey saliido kala duwan iyo dhir dabiici ah, waxtarkeedana tijaabo ay ku sameeyeen rag iyo dumar-ba waa lagu ogaaday.”

Haweenayda diyaarisay saliidan Zaki Aamina Xuseen ayaa sheegtay inay sannadihii u dambeeyey macaamiil kala duwna oo dalka iyo dibadiisa joogta isticmaalayeen saliidan, balse wakhtigan ay go’aansatay inay guud ahaan u bandhigto bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba, intii baahi weyn u qabta xal u helida dhibaatooyinka timaha go’a ama baaba’a sida bidaarta oo rag iyo dumarba qaarkood lakulmaan, waxii faahfaahin dheeraad ahna lagala xidhiidhi karo telefoonka +252-63-4419205, ama xarunteeda oo ku taal agagaarka huteel Safaari ee xaafada Jigjiga-yar.