Yuusuf Shaacir iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa: Iyama Ayaa Gardaran?

“Gabaygii Cali Jaamac, Hinaasihii Tixda Gamadiid, Weedho Uu Ka Yidhi Hadraawi iyo Gaarriye + Kulannadii 1aad iyo 2aad ee aan arkay 2009 Xeeldheeraha”

Qalinkii: Siciid Maxamuud Gahayr

Abwaan Shaacir oo ah gabayaa wanaagsan, dhaqanyaqaan, maskaxsame leh garaad uu ku dhawro xogta kala geddisan ee afsoomaaliga, odhaahda iyo xilliga ah. Dhanka kalena qoraa. Waxa aan bartay mar uu Idaacadda Hargeysa ka tiriyay gabay jacayl ah hilaad 2002dii ah.

Sadarradiisa waxa ka mid ahaa:

“Sidii dhidar xabaalaha qoduu, ceeb u dhacayaaye”.

Gabay jacayl ah buu ahaa. Markii dambe waxa aan ku sii bartay xogwarrankii ku saabsanaa maansadii dhexmartay Cambaro Axmed, Hurre Walanwal iyo rag kale. Waxa ku sii xigay duubitaankii Siinleyda. Waxa uu ahaa nin hodan ku ah afka, dhaqanka, suugaanta iyo Sooyaalka Soomaalida. Tusaale lagu hirto ayuu ahaa, waa markii aanan qofnimadiisa toos u bogannin. Sidaa uu xasuusta badan yahay ayuu u xagasho badan. Gogoldhig weeye, garnaqu waa dambeeyaa…

12kii Mey sannadkii 2009ka, maalin Arbaca ah waxa aanu wakhti ku beegan 04:00tii galabnimo aniga iyo Cabdiwaaxid Cali Gamadiid booqannay hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa oo uu deggenaa Qoraagii Caanka ahaa ee Aw Jaamac Cumar Ciise naxariistii janno Alle ha siiyo’e oo socdaal ku yimi Somaliland. Waxa la sii joogay ama aanu meesha ku wada kulannay Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir). Cabbaar ayaanu is-barasho, bariido iyo sheeko wadaagnay.

Markii aanu in door ah la joognay ayaa uu Cabdiwaaxid Cali Gamadiid mariyay gabay uu curiyay oo magaciisa la yidhaahdo

“Waa waxa cirkii di’i jiriyo, dirirki loo waayay”.

Si fiican ayaanu uga bogannay aniga iyo Aw Jaamac Cumar Ciise gabayga uu tirinayay Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid. Markii gabaygi dhammaaday ayaa uu la dhacay Aw Jaamac waxaanu yidhi weedho aan ka sii xasuusto “Adeer gabaygaagu waxa uu leeyahay dhismaha maansadii Maxamed Cabdalle Xasan”. Bogaadin kaddibna wiilkiisa (Cabdirisaaq Aw Jaamac Cumar) oo la socday ayaa uu ku yidhi “inoo qor taleefanka Cabdiwaaxid”.

Inta uu Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid marinayo gabaygiisa; Shaacir waa uu fooraraa, murugoonayaa, dhabanka iyo gacanta ayuu isku hayaa. Waxa aad mooddaa in gabbal u dumay. Shaw haddii uu maqlo cid gabyi kartaba gorodda ayaa uu laallaadiyaa. Mar dambe ayuu soo miiraabay oo yidhi “Dadku ma fahmayaan gabayga aad tirinayso. Weliba qolad qurbaha waxa ku adag afsoomaaliga, waanigii dhawaan tegay Ingiriiska”. Mar dambe ayaan sii baran doonaa sida uu hinaasaha xirfaddu ugu sii talax-tegay. Halkaas ayaa aannu isku barannay Yuusuf-Shaacir, aniga oo magacayga u sheegay.

Markii aanu cabbaar wada joognay aniga, Cabdiwaaxid, Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) iyo Aw Jaamac Cumar Ciise waxa noo yimi Boobe Yuusuf Ducaale, Axmed Aw Geeddi Maxamuud iyo Xasan Cabdi Madar oo u socday qaban-qaabada xaflad soo-dhaweyn ah oo Aw Jaamac loogu qabtay Hargeysa 14kii Mey 2009ka. Waxa kale oo ay abwaannadaasi rabeen in isku-xidh, xidhiidh iyo wadashaqayn loo sameeyo qalinleyda ku nool dhulka amniga ah ee Soomaalidu degto.

Xafladdaasi waa tii uu Yuusuf Shaacir ka yidhi” Abwaan Dirir Warsame ayaa tiriyay gabayga ay sadarradiisa ka mid yihiin

Muslinnimo nimaan kugu hagayn, muuminnimo khaas ah
Gaal maxasta kuu dhawra ood, magansataa dhaama”

Rag madashaas joogay ayaa ku ururay. Inta ay jiciir iyo wadhi raaceen ayaa uu jaanta wax ka deyay kkk anigu xafladdaas ma joogin. Wixii ka dhacay ma idiinka warramaa?

Aw Jaamac Cumar Ciise oo ah qoraagii ururiyay Gabayada Sayid Maxamed Cabdalle Xasan iyo taariikhdii Daraawiishtu waxa uu maansada Cabdiwaaxid ku labeeyay tii Sayidka. Waxa ay ahayd markii kowaad ee aan la kulmo Marxuunka.

Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) waxa aan markii labaad kula kulmay Hargeysa 2009kii. Waxa uu hor fadhiyay Gargaar Hotel. Mudane ay is-aqoon lahaayeen oo aanu wada soconnay ayaa doonay inuu Shaacir iskaaya baro, kaddibna waxa uu yidhi “Ninkaasi miyaanu Gahayr ahayn, waannu is aragnay maalin hore”. Xasuusbadnaantiisa ayay taasi ii xoojisay.

Xilligaa 2aad ee aan is aragnay; waxa dhacayay aroos Cawaale Aadan looga yeedhay Jabuuti, waxa uu lahaa “Ku yar oo fannaan ahna Jabuuti ayay ka soo casuumayaan, lacagna way siinayaan. Annagana way noo yeedhayaan xitaa baabuurka shidaal kuma shubayaan”. Taagga hudheel galbeedka magaalada ah in baadrool loogu habeeyo baabuurka ayuu rabaa. Walaw uu maalmahaas uun ka soo laabtay Ingiriiska oo ay geysay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa; waxa muuqday inuu ka cabanayo busaarad baahsan.

Waxa aan u sheegay in aroosyada laga qaybgalo lacag la’aan. “Abwaan Gaarriye waxa uu ka qaybgalay aroos-wadareedkii TELESOM ay shaqaalaheeda u qabatay, isaga oo ka yidhi “Aydhis waxa dawo u ah Ii-dhis (ii aroos), miyaanay caadi ahayn?”. Waxa uu yidhi “Gaarriye saami (sheer ayuu ku leeyahay TELESOM. Ma waxa aad moodaysaa in uu la mid yahay Hadraawigan inanta yar ee baadhiga (xafladda) dhiganaysa uga imanaya Burco.”

Abwaan Hadraawi isaga oo xurmayana gabadh reer Somaliland ayuu munaasibaddeeda guurka uga yimi Togdheer si uu Hargeysa ugaga qayb galo. Marka aan arkay sida uu taayirka u marinayo abwaannada waaweyn dib ayaan u fadhiistay. Ninka Gaarriye iyo Hadraawi ka baydhi waayay, cid kale biyo uma kabbanayo.

Weedhaha kale ee aan ka sii xasuusto kulankaas waxa ka mid ahaa “Ciyaal yaryar baa iska odhanaya buug baan qorayaa”. Markaas 23 jir ayaan ahaa buugna waa aan waday. Waxa aan is idhi ma ku tidhaahdaa “16 sanno ayaan ku jiray dugsiyo, jaamacad iyo malcaamad, miyaanan xaq u lahayn inaan wax qoro? Adigu se sideed wax u qori kartaa xitaa higgaadda afka ayaa aanad aqoon ama dhawaan baratay’e?”. Ixtiraamka oo qanjaha i joogay ayaan uga baaqday garnaqsigaas.

“U Dhoofintii Ingiriiska, Eedayntii Xatooyada Suugaanta Salaan, Xurmo-la;aanta Hadraawi iyo Gaarriye + Wuxuu Abaalcelin Ka Dhigay”

Waxa aan si kooban u faaqidi doonaa abaallo iyo wanaag ay Xiito u galeen madaxda Xarunta Dhaqanka Hargeysa, kuwaas oo ku sinnaa 2008dii. Damiirka sami waxa uu xasuustaa wanaag hore haddii xilkasnimo jirto. Waxa kale oo aan faaqidi doonaa halka ay kala taagan yihiin Hadraawi oo ahaa abwaankii Shaacir ku xidhay Xarunta Dhaqanka iyo bahda suugaantaba. Sidii Sakaaro la ii odhan jiray 1997-2005 kkk Xiito waa magacii Yuusuf ku caanomaalay intii aanu Shaacir la bixin. Dad kooban ayaa xogahan og. Muhammad Suleiman illaa 2009kii ayaannu isku xer ahayn. Si gaar ah ayaan u salaamayaa.

2008dii ayaa hal-abuurro waaweyn loo kaxaynayay carriga Ingiriiska, waxa ka mid ahaa Hadraawi iyo Aadan Tarabbi. Waxa la is-weyddiiyay “Yaa lagu saddexeeyaa?”. Dad badan ayaa soo jeediyay in Abwaan Ahmed Aw Geeddi noqdo ka 3aad, waxa ka mid ahaa Hadraawi. Yuusuf Shaacir oo qorshaystay in sannadkaas la dhoofiyo ayaa olole bilaabay.

Tolkii ayuu soo kaakiciyay. “Iga qabta Hadraawi ayaa iga reebaya kaxaynta” ayuu yidhi. Wuu yaabay Hadraawi oo yidhi “Wallay iga tahay adeer, in aanan odhannin reeba Yuusuf”. Si uu isaga aammusiiyo ayuu Hadraawi abaabul u galay in ninkaas lagu guntado oo dayuurad la saaro, lagana dejiyo Landhan.

Xalki waxa uu noqday in loo tanaasulo. Abwaan Axmed Aw Geeddi waxa uu ka tirsanaa HAAFAYOOKO (HAVOYOCO) oo sannadkaas xafiis ka furanaysay Ingiriiska. Ururkaas ayaa Ayan Mahamoud Cashuur ku yidhi “Axmed ma u helaysaa dal-ku-gal (Visa)? Haayad ayaa bixinaysa qarashka socdaalka?”. “Haa” ayay tidhi sidaas ayuu Axmed Aw Geeddi ku dhoofay. “Kaxayntaba, ilaalinta ayaa nagaga darnayd” ayaan maqlay.

Laba sanno kaddib kolkaas ayay Madbacadda Ponts Invisible oo uu Jama Musse Jama madax u ahaa daabacday buugga Tolow Colka Jooja ee laga qoray Maansadii Salaan Carabbey, isla markaasna uu ku magacawnaa Yuusuf Shacir. Laakiin qarax ayaa halkaas ka dhacay. Waxa uu Xiito sheegaa inuu qoray laba buug oo muran ku jira (Tolow Colka Jooja iyo Siinley) iyo mid laga qoray oo uu saluugay. Laba waa aan u soo noqon doonaa.

Maansada Salaan Carabbay waxa hore u qoray, waxaana lagu daabacay magaalada Shiefield ee carriga Ingiriiska. Hal nuqul oo soo gaadhay Naadiga Halkaraan ee Burco ayuu Shaacir gacanta ku dhigay. Markaas kaddib ayaa loo daabacay ka Shaacir, waxaanu xeeldheeruhu u warramay Hadhwanaagnews. Waxa kaddib hadlay Yuusuf Arts oo sheegay in uu dacweynayo Shaacir iyo shirkadda daabacday buugga labada.

Dhac iyo ku tumasho xuquuq qoraal ayaa guudka loo saaray xeeldheeraha, isla Hadhwanaagnews ayaa waraysi ka qaadday Yuusuf Arts. Shaacir uma garnaqsan sidii sharciga ahayd, odayaal tol ah baa dhex galay. “Is daaya walaalleyaal” baa la yidhi. Kama xumaannin in Shaacir lagu qabsado buugga, waxa dhib ahayd in uu xog muran ku jiro ula tegay shirkad caalami ah. Qalbiga ayaan berigaa ka tacsiyadeeyay Jaamac Muuse Jaamac iyo madbacaddii Ponts Invisible.

Haddii dhawaanahan Xiito la weyddiiyay “Ka warran caafimaadka Hadraawi?”, waxa uu saddex goor ku celiyay “Wuu nool yahay. Wuu nool yahay. Wuu nool yahay”. Ma geli karo guriga Hadraawi keligii illaa cid uu ku dabadhuunt. “Wuu asaasaqay” ayuu meel walba ka leeyahay. Miyuu Xiito ka hadlay hortay Bandhiggii Hawaalewarran; waxan joogay Buuhoodle? Ma Hadraawi baan ka baydhaa oo Xiito ayaan raacaa? Axmed Maxamed Faarax (Badeed) ayaa xogogaal ah.

Aqoonyahan Rashiid Cabdillaahi (Gadhweyne) ayaa falanqaynta maansada Shaacir ku daray “Waxa aad mooddaa in Hadraawi meelaha qaar kaa qoollaaliyaayo”, haa waa inuu raacay ama ku dayday Hadraawi. Mar ayay warbaahintu weyddiisay “Maansadaadu waxa ay leedahay qaabkii Hadraawi, ka warran”. Waxa uu ku warceliyay “Isaguba Gudban iyo Gooshaash buu isku daray, oo uu gabayga Gudgude ka dhisay”.

2011kii ayaan taleefanka ka wacay Gaarriye oo ku xanuunsanaya Norway, kaddibna maqaal duco ah ayaan qoray. Xiito ayaannu isku aragnay Emperial Hotel, waxaanu yidhi “Ninka aan masaajidka ila gelayn u ducayn maayo” ayuu yidhi. Waxan u sheegay in xidhiidhka addoonka iyo Ilaahay yahay wax gaar ah, isla markaana uu Gaarriye xurmo mudan yahay. Wuxuu sheegayaa xitaa run ma ahayn. Malaha maqaalka ayuu ka xumaa uun.

Dhegahayga ayaa wax walba maqla, shidh! Haddana maanso baroordiiq ah ayuu u curiyay markii Gaarriye dhintay, oo la yidhaahdo Gorgorkii dabayshaday. Isla tixdan ayuu ka akhriyay Xabaashii Dhoodaan ee Jigjiga isaga oo iska dhigaya inuu ugu baroordiiqay Dhoodaan. Waar ka daa! Walaa xawla, miyaanay munaafaqad ahayn? Gaarriye iyo Shaacir wanaag kuma wada noolayn marka horeba “Ma ninka Hadraawi looga taag waayay” ayuu Gaarriye odhan jiray. Xuseen Badhaani Alle ha u naxariisto Abwaan Gaarriye.

Waxa uu in badan Shaacir daaddifayn jiray in Miisaanka Maansada ay heleen Gaarriye iyo Carraale, waxa uu igu yidhi “Miisaanka maansada waxa helay Xaaji Muuse Galaal IHUN. Isaga ayaa buug u dhiibay Gaarriye iyo Carraale. Maraggeedii waxa ka mid ah Muuse Cabdi Cilmi. Buugaagtii Xaaji Muuse Galaal waa la hayaa”. Waxa aan ku celceliyay in Muuse Cabdi Cilmi hadlo. Ma ay dhicin. Rag ayaan u sheegay xogtan, waxaanay yidhaahdeen “Waa warkii Shaacir” shaw iyaga ayaa yaqaannay.

La soco Qaybo kale………..