Yuusuf Kirix Cawad oo loo doortey Guddoomiyaha Guddida Ruqsad-bixinta Qareennada

Hargeysa (SLpost)- Guddida Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareenadda, ayaa maanta yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey tan iyo intii la ansixiyey Wax-ka-bedelka iyo Kaabistii ay Baarlamaanku ku sameeyeen xeerkii lagu aasaasay oo sannadkii hore madaxweynuhu dhaqan-geliyey.

Fadhiga ay maanta yeesheen Guddiga Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareennada Somaliland, waxa ay guddoomiye ugu doorteen garyaqaan Yuusuf Kirix Cawad oo kamid ah Ururka Qareenadda Somaliland isla markaana ah aqoonyahan mudo dheer siyaasada Somaliland kusoo dhex jiray.

Garyaqaan Yuusuf KirixYuusuf Kirix ayaa gudida isla qaateen inuu gudoomiye noqdo maadaama uu xeerku dhigayo in 2-da xubnood ee ka socda Ururka Qareenadu midkood noqdo gudoomiyaha gudidan, waxaana hore u jiray is af-garad uu Ururka Qareenadu hore isula meel dhigay in Yuusuf Kirix maadaama oo aanu ahayn xubin ku mashquulsan dacwadaha laga galo maxkamadaha.

Sida uu dhigayo Xeerka Qareennada Somaliland, waxa ruqsad-bixinta qareennada ku shaqo leh guddi heer qaran ah oo ka kooban 7 xubnood kuwaas oo wada-shaqayn la leh wasaaradda Cadaaladda Somaliland.

Xeerka ayaa dhigaya in todobada xubnood ee guddigani isugu jiraan, laba xubnood oo ay soo magacaabayaan Ururka Qareenadda, laba xubnood oo uu soo magacaabayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu, laba xubnood oo ka kala imanaya labada Gole ee Baarlamaanka iyo Hal Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare oo uu magacaabayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Sidoo kale, waxa uu xeerku dhigayaa in labada xubnood ee ka socda Ururka Qareenadda Somaliland ay waajib tahay in midkood noqdo gudoomiyaha Gudida Ruqsad Bixinta.

SOMALILANDPOST.NET