Yuusuf Garaad oo Iska Casilay Shaqadii BBC-da Una Xadhko Xidhinaya dhinaca Siyaasadda

London (SLpost)- Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed, ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Yuusuf waxa uu sidan ku sheegay Fariin uu soo dhigay Bartiisa facebook, wuxuuna sheegay in uu 20 sano kadib shalay xilkaas ka ruqseystay.

“20 sano kaddib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oo aan u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal,” ayuu bartiisa facebook ku soo qoray Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa muddo dheer la soo shaqeynayay BBC World Service guud ahaan, gaar ahaanna Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, isagoo marka laga soo tago in uu ahaa madaxii Laanta uu dhanka kale ka mid ahaa Barnaamij soo saarayaasha iyo wariyayaasha ugu firfircoon BBC-da.

Intii uu xilka madaxnimo ee Laanta Afka Soomaaliga hayay Yuusuf Garaad waxaa uu wax ka beddelay qaabkii shaqo ee laanta, isagoo sidoo kalena ku soo daray wariyayaal badan oo cusub, iyadoo dhanka kalena ay xusid mudan tahay in ay shaqadii laanta ka tageen wariyayaal dhowr ah oo qaarkood iskood uga tageen, halka kuwo kalena la sheego in ay meesha uga baxeen khilaaf dhexmaray Yuusuf Garaad.

Inkastoo aanu Yuusuf Garaad si cad ugu sheegin farriintiisan in uu arrimaha siyaasadda u weekday, haddana waxaa jira warar sheegaya in uu hunguri kaga jiro siyaasadda Soomaaliya oo uu weliba doonayo in uu ka mid noqdo musharrixiinta dooneysa in ay qabtaan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET