Yemen: Xukuumad Cusub oo maanta dalkaas loo dhaariyey

Hargeysa, (SLpost)- Gole xukumadeed oo cusub ayaa maanta lagu dhaariyey caasimada dalka Yamen ee Sanca, iyagoo ka kooban mucaaridka dalkaasi iyo qaar ka mid ah golihii wasiirada ee xukuumadii hore uu madaxweynaha ka ahaa Mr. Cali Cabdala Saalix
Samayinta golaha wasiirada ee cusubi waxa uu qeyb ka yahay sidii awood looga wareejin lahaa xukuumadii hore , iyadoo dhinaca madaxtinimada dalkana uu la wareegayo madaxweyne ku xigeenkii hore Mr. Cabdi Rabo Maansuur , hase yeeshee golaha wasiirada ee cusub waxa soo magacaabay Raiisal wasaaraha cusub Mr.Maxamad Baasinde , ka dib markii uu wado tashi dheer la yeeshay xusbiyada mucaaridka iyo xusbiga muxaafidka ah .
Geesta kale , dhalinyarada dalkaasi ee horseedka ah kacdoonka lagu badalayo xukuumada Saalix ayaa sheegay in ay diidan yihiin xukuumada cusub oo ayna wakiil ka noqon karin dhalinyarada kacdoonka waday.
Waxa kale , oo ay ku baaqayaan dhalinyarada kacdoonka waday in Cali Cabdala Saalix la soo taago maxkamada caalamiga ah isagoo ku eedeysan wixii dil ahaa ee dalka ka dhacay.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net