Yemen: Dagaal Xoogleh oo ka Socda Magaalada Ticis

 

Sanca(SLpost)-Dagaal xoogleh ayaa shalay iyo maanta ka socda magaalada Ticis oo ay ku dagaalamayaan kooxda Xuuthiyiinta iyo ciidamada taageersan dowlada ee gacanta ka helayey xoogaga Isbaheysiga dalalka Khaliijka.

Dagaalka sii xoogeystay ee ka socda Ticis ayaa kusoo beegamaya maalin kadib markii dowlada Sucuudiga ay sheegtay in dagaalka hada socdo uu marayo heer gabo gabo ah.

Isbaheysiga Sucuudiga uu hogaamiyo ayaan weli ku guuleysan inay la wareegaan dhulka u dhaxeeya magaalada Ticis iyo caasimada Sanca oo ahaa Yoolka ugu muhiimsan ee Dowlada Yemen dooneysay in ay kala wareegto kooxda Xuuthiyiinta oo iyagu difaac adag ku jira.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in bisha soo socota ee November lagu wado in shirweyne caalami ah oo lagu joojinayo dagaalka uu ka furmo magaalada Geneva ee dalka Switzerland.