‘YAA KA SHAKISAN QANANNIMADA IYO JIRITAANKA SOMALILAND’ – Axmed Xasan Carwo, La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha

Axmed Carwo
Axmed Carwo

Waxa Soomaliland jirtay 22 sano oo nabad ah iyo 10 sano oo halgan ah iyo 76 Sano oo isticmaar ah. Waxa midnimo niyad sano oo lagu doonaayo mideynta shanta Soomaaliyeed ay ku jirtay 21 Sano ( !960-1981). Taasi waxay marag u tahay in muddada ay Soomaaliya wax wadaageen ahayd muddo aad u yar kolka aad u eegto inta ay goonida u jirtay. Muddadaas dheer ee ay goonida ka ahayd Soomaliya, waxa unkumay beelaha Soomaliland oo is-dhexgalay oo abuuray degaano beelahu isku dhafan yihiin, waxayna yeesheen dabci, dhaqan, iyo hiddo ay wadaagaan ooy Soomalida inta kale kaga duwan yihiin. Waxa abuurmay hab iyo dhawaaq hadalka iyo ereyo u gooni ah, hab-guurka iyo dhismaha qoyska oo mideysan, iyo nidaamka maamulka oo ah mid ku salaysan habka dawladda UK. Intaasi waxay u yeeshay astaan iyo aragti u gooni ah oo reer Soomaliland mideysa.  Waxaana ka markhaati ah hadalka laf-jabka ah ee mataaneentii Soomaliya lagala kulmay iyadoo dadka reer Soomaliland min Ceelaayo iyo Lowyacaddu reer Soomaliya ay ugu yeedhaan “Soomali Qaldaan”..yacnii dadka iyaga ka duwan uun dhe.

Soomaliland oo beelaha dega dhammaantood ay si xor ah ugu shireen magaalada Burco, islana qaateen inay midnimadii ay Soomaliya sida xorta ah ula galeen oo dhib, hadardaamo ay weheliso cadaalad darro iyo horumar laáan ay ka baxeen ayna yihiin dal madaxbanaan oo qaran gooni u taagan ah, ikhtiyaarkoodna ay ku gaadheen dhismaha qaran dimuquraadi ah oo dunida ka tirsan. Waxa dhidibka loo aasay Jamhuuriyadda Soomaliland 18 May 1991 iyo kheyriyadda Burco.Waxa xigay dastuur loo codeeyey haa 97%, doorashooyinka degaanka, kan wakiilada iyo ka madaxtooyada. Waxa soo maray laba Madaxweyne oo beelahu doorteen si dadban iyo laba si dimuquraadi ah codka muwaadiniintu ku doorteen.
Waxa ayaamahan la hadal hayaa shirka dawladda UK ay u qabanayso Soomaalida. Waxa xog-waranka dawladda UK ay baahisay ka mid ah dadka lagu casuumay Dawlad KMG, Ahlu sunna, Puntland, Gal Mudug iyo Soomaliland. Haddaba iyadoo xukuumadda Soomaliland cadaysay inay ka-qaybgalka ay kala tashan doonto axsaabta qaranka, wakiilada  iyo waxgaradka Soomaliland, ayaa halkii rayi dhiibasho iyo taageero loo fidin lahaa xukuumadda xiligan loo baahan yahay midnimada iyo wadajirka ayaa waxa muuqata in dad danta gaarka ah ka hormariya tan guud oo indhehoodu arkaan waxa ay doonaan dhegahooduna maqlaan waxa ay doonaan, ayaa ula kala baxay fidinta dacaayado aan meesha oolin oo kas gaabka iyo maatada lagu beeraayo shaki iyo cabsi aan meesheed oolin.
Waa ayo cidda qarannimada dalka hooyo burburinaysaa, ma cidda soo halgantay ee labataneeyo sano u samirtay ee manta hoggaanka ku guulaysatay, ee sharaf, magac iyo maamuus maqaamkii ugu sareeyey ku gaadhay ayaa laga dardaar warinayaa..Waa fikir lunsan oo u baahan in qashinka lagu rido. Inta been abuurka lagu jiro miyeyna ka fiicnayn inaynu eegno oon ku taageerno la-tashiga xukuumaddu ku dhawaaqday. Weli ma jirto go’aan shirka laga gaadhay. Waxaana habboon inaynu isla eegno sifaha iyo shuruudaha aynu ku tegi karno, amba ku diidi karno..labaduba wey inoo furan yihiin. Haddaan diidno, iyo haddaan tegno midna ma keeni kato burburka Soomaliland oo waa dal hano qaaday oo dadkiisu yihiin ilaalayaaha jiritaankeeda, ayna diyaar u yihiin badbaadintiisaa cid kasta oo gar darro ula timaada. Taas ninka ka cabsi qaba iyo kan ka shakisani waa nin cidla ka didey, ayna ka tahay fulaynimo amba nin isagu muraad kale leh.
Waxa manta aan helay su’aal lagu weydiiyey guriga guurtida ee UK ( House of Lords) mudane ah Wasiiro Dawlaha arrimaha Debedda ee UK Lord Howell oo ka jawaabaaya su’aal ay weydiisay Lord Luce..waa kan iyagoo aan sideeda idiinku soo naqiley oo af Ingiriis ah deedna aan turjumaada idiinku xigsiiyey:
Lord Luce (Crossbench)To ask Her Majesty’s Government, further to the Written Answer byLord Howell of Guildford on 21 December 2011 (WA 391-2), who has been invited to the London conference on Somalia on 23 February; and whether they have invited the president of Somaliland.

Lord Howell of Guildford (Minister of State, Foreign and Commonwealth Office; Conservative)

As we noted previously, we have invited Governments and multilateral organisations that are active and influential on Somalia, as well as representatives from Somalia.

We are pleased to say that we have secured very senior attendance from representatives from the region (for example Ethiopia, Kenya, Uganda) and the international community (for example Turkey, Qatar, Nigeria, Sweden, and the European Union) alongside a host of Somali representatives; as well as theAfrican Union and United Nations Secretary-General.

We have invited Somaliland to attend the London conference on Somalia. We are following up the invitation with discussions with the Somaliland authorities, working to find a basis for their attendance that is acceptable to them and to us. We very much hope that President Silanyo will attend: Somaliland has much useful experience to share of creating relative stability in the region.

Lord Luce waxay weydiisay Wasiirka cidda lagu casuumay shirka iyo in Madaxweynaha Soomaliland lagu casuumay…
Waxuu ku jawaabay Lord Howell: “Sidaan hore u sheegnay waxaanu casuumnay xukuumadaha iyo ururada caalamiga ah ee ay khusayso arrimaha Soomalidu iyo wakiilo ka socda Somaliya. Waxaanu ku faraxnay inaanu helno inay ka soo qayb galayaan dad muhiim ah ee mandaqadda(Matalan  Ethiopia, Kenya, Uganda) iyo mujtamaca adduunweynaha (sida Turkey, Qatar, Nigeria, Sweden, and the European Union) iyo cid ka socota. oo matasha Soomaalida iyo African Union and United Nations Secretary-General
Waanu casuumnay Somalialnd inay shirka timaado Shirweynaha London ee Somaliya. Waanu dabasoconaa oo waxaa noo socda wadohadal sidii loo heli lahaa hab iyo wax keeni kara inay ka soo qayb galaan oo u cuntama iyaga iyo anaga. Waxaan  rajeynayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo yimaado: Soomaliland waxay leedahay khibrad faaíido badan oo ay u soo tebin karto lana qaybsan karto deganaansha gobalka.”
Haddaba waxa manta loo baahan yahay ma aha in qof waliba sida uu doono uu u arko oo siyaasad madhalays ah iyo aragti gaaban wax lagu eego. Waa  in la darsaa oo la helaa wadatashi loo dhan yahay oo qaraar cad laga gaadho deedna bulshada si wada jir ah loo wacyi galiyaa, lagana daayaa shaki abuurka iyo fidnada laga abuuraayo meel ayna ku juirin.
Waxaad ogaataan marxaladda dalku marayo dhinaca gobalada bari iyo ololaha kala qaybinta ee ay wadaan dawlad xafadeedka Xamar. Waxa inala gudboon inaynu is barbar taagno xukuumadda aynu sida dimuquraadiga ah ku dooranay, taas mecnaheedu ma aha indho-la’aan in lagu raaco. Waa in nidaamka la ilaashaa oo la-xisaabtanka dhaleeceyntu ahaadeen qaar xadkooda haysta iyo inaan loo faaídeyn cadowga.
Wakiiladu ha gutaan waajibkooda oo ha ka baxaan xilkas la’anta ka muuqata iyagoo laba maalmood fadhigu u buuxsami waayey.
Warbaahintuna ha noqdaan kuwa muujiya dareenka dhabta ah ee dadweynha ee aan noqon qaar si dadban ugu adeega cadowga.
Tvga qaranka waxa saran xil weyn oo ah inuu kor u qaado midnimada iyo wadajirka ummadda, iyo inuu yeesho birtilmaameed wacyigelin iyo faaqidaad amuuraha khuseeya qaranka iyagoo makarafoonka si xor ah looga soo qaybgeliyo xusbiyada mucaaridka ah, aqoonyahannada iyo qurbajooga dalka. Waa kaalin gaabis ah ee marxaladdan ha laga faa’ideysto.
Qadyadda qarannimdu ma laha mucaarid iyo muxaafid waa mid muwaadin kasta waajib ay ku tahay difaaceeda iyo ilaalinteeda. Qaranka cidina marti kuma aha, cidna marti loogama aha. Soomaliland waxa leh reer Soomaliland oo dhan oo si siman u leh xuquuq iyo waajibaad saran.Min Ceelaayo ilaa Lowyacaddu min Buuhoodle ilaa Berbrera waa dal iyo dad mideysan, una baahan inay helaan qorshe iyo siyaasad lagu hawl galo oo khilaafkooda si nabad ah u suuliya. Waa waajib ina wada saran si gaar ahna u saran mas’uuliinta siyaasadeed mid hoggaanka haya iyo mid sugaayaba.
Waxa iyana habboon in inta xukuumadda ka tirsan ee xilka haysaa ahadaan duul ilaaliya midnimadooda oo doodaha ay ka yeeshaan hawl-qabadka xukuumadda ayna noqon mid ay ku muujiyaan warbaahinta, Ma jirto xukuumad aan dhexdeeda afkarta ku kala qaybsanayni, waxa se sharcigu yahay in afkaarta lagu qaybsamo ee lagu doodo ay gun yeelato, taas oo ah go’aanka leysla gaadho in dhammaan la wado daafaco, oo ninkii fikirkiisa Golaha lagaga xoog bataa ilaaliyo ga’aanka Golaha oo ay waajib ku tahay inuu daafaco. Waa sida keliya ee xukuumad dimuquraadi ahi ku shaqayn karto.Waa in wadajir xukuumaddu u daafacdaa go’aamada ka soo baxa. Waa in sirta Golaha la ilaaliyaa oon suuqyada la gelin.Cidda nidaamkan aasaasiga ah aan dhowreyni waa in wax laga qabtaa oo la joojiya nabarka boogtiisu fideyso.
Aqoonyahanka waxa habboon inay fikir wax ool ah u gudbiyaan xukuumadda ooy noqdaan dar ku soo biiriya afkaar horumar siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo ganacsigba dhali kara. Waxaan halkan idinku balan qaadayaa inaan gacanta ka geliyo Madaxweynaha waxii talo ah ee waxtar u leh dalkeena, iyo waxii tabasho iyo dhaliil ah ee si asluub ah oo dhammays ah loo soo bandhigo. Mid run iyo marag leh
. Dalkeena waxa yaal dhibaatooyin badan ooy barbar socoto faa’idooyin iyo kheyraad aan la taaban, fursado dhaqaale iyo baahi is huwan. Waxa aynu kaga bixi karnaa inagoo waqtiga ku qaadana inaynu ku fakirno danta guud iyo horumarinta dalka, inaynu ilaalino dakhliga yar ee inoo soo hoyda, si gaar ah waa waajib saran xukuumadda iyo shaqaalaheedu inay noqdaan qaar ilaaliya khrashka, oo kol walba ka fakira baahida dalka taal iyo itaal yarida cidda lacagta laga soo xareeyey.
Maanta waa maalintii Midnimda, waa maalintii Wadajirka, waa ayaantii Gacmaha leys-qabsan jiray, waa dharaartii cududa Mucaaridka iyo Muxaafidku mataanoobi jireen, waa ayaantii waxgarad, waayeel, dhalin iyo dumar danta guud la dhowri jiray. Waa dharaar qarannimada la qadarinaayo ee muwaadin gudo waajibkaaga.
Tan iyo maqaal kale, ammaano Alla.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmial .com