Xusuustii May 1988 SNM Burco & Hargeysa (Sawiro Xusuus Leh)

Waxaan marka hore u Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey,Waxaa ay maanta ahayd  27May maalintii Xoogagii SNM ee mujaahidiinta ahaa si foolka fool ahayd ugu babac-dhigaan Ciidamaddii Faqashta ee laxaadka lahaa ee Gobolada Waqooyi (Qaybta 26,aad),iminkana Somaliland ah , ayna soo  galeen Magaalada Burco oo ahayd magaaladii 2aad Dalkan,waana goobtii u horeysay ee ciidamadii Ururka SNM ay si  miidaamo leh isugu soo tuuraan,islamarkaana adhaxda ka jebiyaan  ciidamadii Faqashta (dawladii Siyaad  Bare) waana Maalin Somaliland oo Dhan Tariikhda ugu Suntan .Hadaba 27May 1988 oo ahayd maalin jimco ah hadaan u soo daadego qiimaha ay leedahay waxay ku timi ka dib markii Heshiis ay gadheen Labadii  keliye Taliyayaal ee Mengistihii Itoobiya  iyo Siyaad Barrihii Somaliya ayna ku heshiyeen Qodobo dhowra lakiin qodob khusaynaayey SNM ayaa dhigaayey in mujaahidiintaa SNM loo gacan-geliyo Siyaad Bare Itoobiyana ka joojiyaan Tageerada ay siiyaan, Taas oo keentay inay Hogaankii SNM go,aan ku gadhaan  inay gudaha u galaan dalkoodii si ay ugu madha-dhaliyaan hadafkoodii iyo ujeedadii ay u dagaalamayeen oo ahayd Guul ama Geerri.

Ururka SNM ayaa la dagaalamay Talis Dhiigyo cab ah oo aan waxba ka xishoonayn waxna ka dhowrasanayn, Markii April 1988  ay gadheen heshiiskaasi labadii keliye Taliyayaal ayey SNM halkay dooranlahayd inay isdhiiibo ama dulinimo ay ku jiraan dadkoodu,  taas oo qaran jab ku noqon lahayd ayey waxay doorteen dhmaadkii May 1988, inay amar ku helaan oo ay Ciidamadii SNM gudaha u galaan wadanka,  si dulmiga looga dulqaado dadka, loona badbaadiyo nolosha dadka oo ay xoriyad , sharaf iyo cisiba ay ugu noolaadaan .

Waxay ahayd xili murugo badan oo cabsi iyo werwer badana jirey , qofkastaana Maankiisa ka lahaa TOLOW MAXAY NOQON DOONTAA, taas ayaa niyada lagu hayey ilaahay baana Talo la saartay , Jabkii weynaa ee loo geystay Faqashtii kamay soo kicin waana ta dhalisay Guushii Somaliland , hadaba maalintaa 27may88 ayaa ahayd maalin Taariikhdii halganka SNM ku xardhan kuna Suntan, iyadoo ay tageerayaan SNM dadweyanaha Burco ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka ,Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud ahaan Magaalada Burco ,Iyadoo Niyadoodu ay aad u Heer-sareysay  waxay SNM u soo badheedheen Ciidan Awood badan sheegta, Isla-markaana Kumanaan ciidamo ay ugu taxnaayeen  Jiidaha iyo Gudaha G/Togdheer.

Golufkaasi dagaal ayaa Faqashta ku noqotay layaab iyo Amakaag , Maalintaasi ayaa noqotay maalintii la ogaaday awooda weyn ee SNM , caalamkuna qiray Siyaasad ahaan in ay yihiin Quwad aad u xoog badan oo dadkoodu ay aad u tageersanyihiin, oo aan cidina is hortaagi kareyn, waxii dhacayna waa la ogaa,

   Waxaana aan ku soo afmeerayaa in Guul  ay inoo tahay in maanta gobinimadaa aan haysanaa ay ku timi halgankaa lagu guuleystay ,Geesiyaal badani ay naftooda u Hureen, iyadoo maanta laga joogo 24 sanadood markii halgankaa hubaysani ka bilaabmay dalka , wixii dhacayna umada wixii caqli qabay ee dalka ku sugnaa markhaati ayuu ka ahaa ,wixii dhacayay hadii uu halganka ku jiray iyo haddii uu ka soo horjeedayba maahana mid la-dafiri karo in umada reer Somaliland xasuuq iyo dabargoyn lagula kacay.

Ubadkii habeenkaasi dhashay maanta waa Afar iyo labaatan (24)  jir intooda nooli waxaana isweydiin mudan maxay ka ogyihiin wixii dalka ka dhacay ama xaaladihii lala soo maray markii ay maalin wiig ama bilba ay jireen, ma ogyihiin in cadaw guryahoodii diyaaraddo iyo madaafiic ku weeraray kana qaxiyay, ma ogyihiin qaarbadan oo ka mid aha ubadkaa 24 jirsaday oo aan nasiib u yeelan inay arkaan waalidkood in faqash xasuuqday mase ogyihiin guud ahaanba halgankii dib loogu xoreeyay dalkeena aynu wada jecelnahay ee Somaliland.

Waxaan ku soo gebabaynayaa una Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii SNM ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey oo dhan MAY 1988, iyadoo ay ka soo wareegtay Maanta sanadguuraddii 24aad, waxanaan leeyahay Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u lee,day Geesiyaal, sidoo kale Waxaa u ogoomoobay Ubad badan, waqtigaas ayaa ahaa mid markii hore werwer iyo naxdin ku sameeyey dadweynihii SNM oo heshiiskii Mingiste iyo Siyaad barre inuu waxyeelo gaadhsiinaayo halgankii SNM lakiin waqti yar dabadeed taasu waxay dhalisay in Gudagalkii SNM farxad aad u weyn ku noqday Shacabkii Balaadhnaa ee Gudaha Iyo debadda Joogay markii ay Geesiyaasha SNM gudaha isugu Shubeen dhulkoodu si ay cadowga uga Xoreyaan Taasoo go,aankoodu ahaa Geerri iyo Gobanimo.
ugu danbayn waxaa ay  bisha May ku xardhantahay kuna Suntantahay Taariikhda Somaliland, Iyadoo Geesiyaashii SNM oo ay tageerayaan dadweyanuhu ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka , Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Arintaas ayaa waxay Bog cusub u furtay Taariikhda Geeska Africa iyadoo Siyaasaddii wax ka bedeshay Mandaqada , Geesiyadii Maalintaasi  soo galay kumay tala gelin inay noolaadaan oo iyagu ka  faa,ideystaan midhaha Halganka laakiin waxa hadafkoodu ahaa  inay umaddooda xoreeyaan si jiilka  soo socdaa u helo xornimo buuxda iyo Nolol Wanaagsan.

   Runtii Waxay muujiyeen geesinimo aad u Badan, oo ay dalkooda iyo dadkooda jecel yihiin ,kuna  doonayeen Cadaalad , Nabad iyo mabda’ adayg, waxaa loo baahan yahay in Taariikhdaa qaaliga la ilaaliyo ,lagana faaideysto waxna laga barto lagana dhigo mid la-kala dhaxlo, Mujaahidiintii SNM intii  noolna waxaan leeyahay ‘la shukri Calaa Waajib’ waxaad u Naftiina u hurteen dadkiinii iyo dalkiinii waxaana aad mudantihiin milgo maamuus iyo sharaf midhaheediina maanta waa Somaliland.

Intii shahiidayna illaahay ha u naxariisto oo janaddii fardowsa ha ka waraabiyo.

Shacaybkeenii Qiimaha lahaa ee  hiil iyo hooba nala garab taagnaana, waxaan leeyahay waxaad Gudateen waajibkiinii  wixii naf iyo maal lagu waayeyna illaahay wax khayr qab ha idiinku bedelo.

Aniga oo ah Adan Yusuf , waxa aan idiin soo raaciyey sawiradii Mujaahidiinta hawlgalka Burco sameeyey qaar ka midda Maalmaahaas Iyo Sawiradoodii .

Fiiro-gaara:- Waxaanse mar kasta ka cudurdaaranaya inaan la wada qorin Karin Taarikhdii iyo Halgankii , isla-markaana mujaahidiinta inta ka nooli ay u baahan yihiin wakhti aad iyo aad u badan ama hubin badan ,isla-eegid badan in laga wada sheekeeyo dhamaan ,dabadeed laysla hubsado halgankaasi Snm iyo dhamaan mujaahidinti kuwa shahiday iyo kuwa noolba ilaa wadanka oo dhan meel kasta.

-ILAAHAY AYAA MAHADAA ISKA LEH-
Waxaa soo Diyaariyey

Adan Yusuf Elmi,

Birmingham, UK.