Xuska Siyaarada Sheekhii Ummadda Soomaaliyeed Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi Oo Maanta Hargeysa Si-weyn Loogu Qabtay

sheekh cali ibraahimHargeysa (SLpost)- Xuska Siyaarada Sheekhii Ummadda Soomaaliyeed Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi ayaa maanta si-weyn loogu qabtay magaalada Hargeysa.Xuskan oo ahaa mid aad loosoo agaasimay ayaa ah mid sanadle ah oo sanad walba bilowga bishan Shabcaan lagu qabto magaalada Hargeysa.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi ayaa waxa uu ahaa Muftigii guud ee Ummadda Soomaaliyeed isgoo isla markaana Taariikhdu ku qortay Bogag lama ilaawaana .Maxaayeelay Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi ayaa waxa uu Ummadda Soomaaliyeed u horseeday isla markaana ubilaabay guulo badan oo aan isaga hortii cidi Ummadda tusin.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi ayaa waxa lagu xasuustaa kaalintii muga lahayd ee uu ka qaatay barashada Cilmiga Diinta ee Ummadda Soomaaliyeed iyo sidoo kale in la barto oo bulshada la fahamsiiyo Cilmiga Casrigaa ee maadigaa isagoo isla markaana ahaa Sheekhii Ummadda Soomaliyeed fahamsiiyey ee aamin siiyey inay bartaan cilmiga maadigaa

Xuskan xuskan maanta Hargeysa lagu qabtay ayaa waxa uu kamid yahay Xusaska Faraha badan ee Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi ay ardaydiisii ama xertisii dacalaa dunida ku samaynayaan

Kumuu ahaa Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim wuxuu dhashay 1905-tii wuxuuna ku dhashay (Laanta Gobka) oo iminka 1oo yaqaano Baliga Guuleed Xaaji una dhaxaysa Hargeisa iyo Oodweyne. Isaga oo sheekhu ilmo yar ah oo Hooyadii Dhabta ku hayso ayaa Aabihii X. Ibraahim oo Ehlu Basiira ahaa uu kashifay uu yidhi Ninkaasi waa ninkaan leeyahay reerka ha kafaalo qaato. Sheekha Hooyadii Khadiiija Axmed oo Geesna ka yaaban iska leh muxuu ku qoonsaday inanka ka weyn ee Axmed Yaasiin, oo sida caadadu ahayd baa sida look ala weyn yahay look ala hortamarin jirey hadaan wax ku dhicin ayaa xaajigii ugu jawaabtay Bisinka Eh Inanka ha iga habaarin, markaasuu ugu jawaabay Xaajigii Allahayow maad ogaatid waxa feedhahaa yar-yar dhex jiifa. Sheeekha markay Da’diisu ayahd Sideed jir ayaa Quraanka 1oo Bilaabay. Waxa u bilaabay Sheekh Reer Afgooye ahaa oo la odhan jirey X. Xasan. Sheekhu aad buu u fahmo badnaa Aabihiina wuu ku jeclaa waanu ku guubaabin jirey sida tixdan dardaaranka ah oo uu sheekha u tiriyey mar uu ku socday Xajka “Qabrigii Rasuulkiyo Xajkii baan Qalab u haystaaye Calow Qayb Khadka iyo Looxu waa Qawl IIIaah Dhigaye” markuuu sheekhu Quraankii dhamaystay ayaa Aabihii ku daray Mederisadii “Seyid Khayrulah” oo ahaa Nin Suudaaniya oo Ingiriisku keenay oo Berbera ku taalay keligeed baana wadanka nooceeda oo kale ka jirtey. Mederisadaas wuxu sheekhu ka dhigtay Qawaacidka, Mabaadi’da fiqiga iyo Xisaabta IWM. Markuu sheekhu mederisada dhamaystay ayaa aabihii oo aad u jeclaa inuu wax barto geeyay magaalada Bulaxaar oo berigaas aad u camirneyd si uu cilmiga funuuntiisa kala gedisan uga marsado culimo waaweyn oo casri ahayd oo halkaas joogtay. Markuu muddo halkaas cilmiga ka raacanayay ayuu sheekhu miyigii ku noqday. Sheekhu wuxuu ku dhex barbaaray Dad aad ugu hanweyn Ayaydii aabo oo ahayd Baydan Xirsi Amaan oo ay walaalo yihiin Boqorkii Habaryoonistu ayaa u bixisay “Cali Dayr” oo ilaa imika 1oo yaqaanay.

Dadku sheekha waxay ku arkayeen sifafaalo la yaab leh waxa jirtay mar uu sheekhu Hargeisa ka raacay safar Boqol iyo Dhawr nina oo u baxayey Hawdka fog, (Ogaadeeniya) Biyuhuna dhulka aad bay ugu yaraayeen oo may jirin Berkadahan badani. Waxa dhulku u Biyo ahaa Harooyin, Hadduu jiilaalku sii dheeraado go’a oo kala fogfog. Safarkii oo aad u harraadan ayaa isa soo dul taagay haro ay soo Beegsanayeen oo Qalalan. Markaas ayaa badankoodii oo haraad kax ahaa daateen. Meel kale oo Biyo uga dhow yihiina ma jirto. Markaasay safarkii is weydiyeen yaa Quraanka yaqaan Sheekhii yidhi anigaa yaqaan. Wuxuu la dul fadhiistay Quraankii Haradii qalalayd cabaar markuu ku dul akhriyay ayuu yidhi qoda Harada in yar markay qodeen ayay yeedhay waa rays Biyihiina waaba ka soo boodeen markaasay cadaatay in baryadii sheekha la aqbalay. Markay safarkii cabeen ee waxay weel siteena dhiishaa dhaansadeen ayay sheekha ka codsadeen in safarka oo col ka baqayey uu hor galo, iyagoo taas u yeelayey sifadii ay biyaha ku baleen oo kale ina Nabadgelyana ku gaadhaan guryahoodii. Sheekhu wuxuu ahaa kaalin buuxisa meel kasta oo uu joogo. Isaga oo yar ayaa talada lagu dari jirey oo adeeradiis talo aanu ku jirin aanay goosan jirin. Maalinba ka danbaysa ayaa Qadrigiisu sooo shaac baxayey inkastoo uu ku qarin jirey tawaaduciisa uu had iyo goor dadka kula dhaqmi jirey DaahiruShareecaha. Sheekhu aad buu u naxariis iyo dulqaad badnaa.

Deeqsi buu ahaa aad ugu dabacsan qaraaabada iyo masaakiinta. Wuxuu necbaa oo uu dadka aad ugaga digi jirey isbidista iyo isla weynaanta. Waxa u dadka fari jirey inaanay noqon kuwa dadka ka soocnaada oo farta lagu fiiqo (Kun Maca Naas ka Axadi Naas) sheekh Cali X. Ibraahim isagoo go’aansaday inuu dadkiisa jahliga ka saaro wixii uu IIIaahay barayna uu u gudbiyo ayuu 1932-kii ka furay Magaalada Hargeysa Mederisadii nooceeda ugu horeysay oo casriya oo lagu dhigan jirey Diinta, Carabiga iyo Xisaabta. Waqtigaas oo ummaddu ku jirtay Jabli, Tacasub iyo Kala qaybsanaan. Waxay si aad ah ugu haraadanaayeen in si aad u xeel dheer diinta islaamka oo ay guud ahaan wada Aaminsanaayeen iyo farta kale ee addunka iyo Aakhiraba u kaalmaysan karaan sida Carabiga iyo Xisaabta. Taas oo ay carabta kula xidhiidhi jireen oo Baayacad-Mushtar uu ka dhexeeyay. Inkasta oo sheekha markii hore ay ku kaceen dad ileyn wuxuu ka bedelay khadkii iyo looxii oo wuxuu ku bedelay Buug iyo Qalin aanay hore u arag oo ay sharaysteen. Hase yeeshee sheekhu taasi waxba kamay dhimin eedeymaha ay u soo jeedinayeena wuu isaga dul qaadanayay isagoo og inay jahilnimo i geynayso iyo Nin indho Li’i inuu san garan Karin waxa u xun iyo waxa u wanaagsan. Aflagaadadiisuna wax ka soo qaad aanay lahayn cidna aanu wax ku yeelanayn ee isaga uun ay u daran tahay. Sida shicir oo qolooyinkaas jaahilnimada ah ku haysay. Marka shiciradiisa sheekha ee mowduuca khuseeya waxaynu xagga dambe kaga lifaaqi maqaalkeena. Dadkii markay arkeen faa’iidada malcaamadaasi ayay ugu soo qulquleen sidii xoolo haraadanaa oo darkii arkay. Waqtigaa magaalada waxa jirey Nin keliya oo Axmed Karaani la odhan jirey oo carab ahaa kaasaa waraaqaha carabiga u qori jirey oo loola tegi jirey. Sheekhu wuxuu markaas furay xafiis uu dadka waraaqaha ugu qoro Habeenkiina dadka waaweyn u ku baro sida waraaqaha 1oo qoro (Inshaha).

Halganka sheekha ee la dagaalanka jahliga iyo caaqiidooyinka faasidka aad buu u qoto dheeraa, sheekhu wuxuu naftiisa iyo wakhtigiisaba u huray sidii uu cilmiga uu illaahay siiyay ugu tebin lahaa dad weynaha soomaaliyeed. Sidaa awgeed, waxa dhigistiisu kumay koobnayn ardayda mederisada uun ee gelinka dambe ayuu geli jirey dhawr kitaab oo Faniyo kala duwan oo ugu talogalay Culimada cilmidoonka ah kuna geli jirey Masaajidada iyo Meelaha fagaaraha la isugu yimaado si dad badani ugu soo taxman. Sheekhu wuxuu dadkii markaa ka furtay cilmigii ay meelaha fogfog u tegi jireen sida Herer oo kale iyo culimadii faraha badnayd ee midba funiga keliya yiqiin. Sidaa daraadeed midba meel gooniya loogu tegi jirey. Taas oo duruufo aad u adag ku keeni jirtey daalibul cilmiga, oo qaarkood soo noqon jirey iyagoo Cadho (Finan oogada jidhka ka soo baxa) googo’ay Cimrigoodiina ku tegey. Dadkii ogaa in dhibta 1oo soo mari jirey markii ay heleen wadankoodii iyagoo danahoodii kalena iska wata waxay sheekha ugu reeyeen sidii Beel haraadanayd oo Halabsanaysa Hillaacyo aad uga fogfog oo ilaahay siiyey mahiigaan degaankoodii maansheeyey kana negaaday hayaankii dheeraa ee ay geli lahaayeen. Dhulkii Damta ahaana dharaar cad looga dhigay.

Waxbarista sheekhu kuma koobnayn meel keliya ee goob kasta oo uu kula kulmo qof cilmi dona wuu ugu fulin jirey. Dadka wakhtigu aanu u saamaxayn duruusta yawmiga ah wuxuu u qorshayn jirey si ay u faa’iidaystaan habeenada Ramadaanta oo kale. Halkaas oo uu sheekhu guriga shaqaalaha tafsiirka iyo xadiiska ka marin jirey wxii ay su’aalo caama ay soo diyaarsadaan, halkaas oo ay shaqaalaha dawlada iyo Baayaca-Mushtarka iyo cid waliba ka faai’iidaysan jirtay. Barnaamijkaa oo galabtiina Raadyowga ka bixi jirey. Sheekhu hadii uu helo daqiiqad keli ah oo firaaqo ah kumay dhaafi jirin macno la’aan. Sheekhu isaga oo og baahida ay dadka soomaaliyeed u qabaan barashada Diinta iyo inaanay haysan kutub ku filan oo ay akhristaan ayuu u alifay kutub ku filan oo ay fahmi karayaan baahidoodana daboolaysa. Khusuusan funuunta aanay hore u arag oo uu si sahlan oo ay fahmi karaan ugu qoray. Sida Balaaqada, Axkaamta sharciga ah iyo Barashada madaaliicda. Tusaale ahaan waxa jirtay inay culimada soomaalida dhib ku ahayd maadaama aanay aqoon Juquraafiga, Garashada wadamada isku madlaca ah, Garashada qiblada iyo isbadalka wakhtiyada taas oo uu ka alifay kitaab la yidhaahdo (Adurari Lawaamic fii Mukhtalifi Mudaalic) oo si wanaagsan u fasiraya sidii lagu garan lahaa madaalicda iyo wixii la xidhiidha oo 1oo kaashanaayo dhigaha iyo Loolka (Longitudes and Latitudes). Sheekhu ilaahay raali ha ka ahaadee wuxuu dadka diinta u fahamsiin jirey isga oo ku xisaabtamaya qofka aqoontiisu waxay tahay iyo halkay joogto. Qofku cilmiga u yaqaano ayuu wax ugu sheegi jirey. Qaar soomaaliya oo jiritaanka illahayba ka shakisanaa ayaa isagoo cilmigiii uu qofkaasi ku soo takhasusay wax ku fahamsiinaya isagoo Quraanka uga soo saaray Aayado cilmigooda khusaynaya. Sidaana shakigii kaga saaray iimaankoodiina taam ku noqday.

Sheekhu Quraanka wuxuu ku samayn jirey tadabur iyo Diraasad aad u qoto dheer oo uu kula soo baxayo Asraarta Quraanka ku jirta iyo xadiiska Rasuulka (SCS) waxaanu ka Alifay kutub faro badan oo ay ka mid yihiin:-

1. Kitaab la xidhiidha asraarta Quraanka meselan:- Cadadka suuradaha, Aayadaha iyo xarfaha suuradaha ku bilaabma iyo Asraarta uu illaahay uga furay.

2. (Adiinu Wal CilmulXadiis) oo sheekhu ku soo ururiyey makhtaracaadka ama waxyaalaha kale cilmigan cusub dhawaan lagu gaadhay ee Quraanka iyo xadiiska ku jira.

3. Kitaab la xidhiidha maahmaaha Soomaaliga ee quraanka waafaqsan iyo kuwa carabi iyo Soomaali is Qaabilsan.

4. Kitaabka (Buniyal Islaam Calaa Khamsa), oo ka kooban shan iyo toban risaaladood oo faniyaal kala gedisan ah.

5. Kitaab la yidhaa (Fii Qawlil Ascad Fiimaa ismayn Muxamed wa Axmed). Faafinta diinta ee sheekhu waday kumay koobnayn arliga soomaalida oo qudha waxa kutubtiisa qaarkood gaadheen dalalka carbeed ee kale sida Masar iyo Yemen, taas oo culimadii carbeed ee akhrisatay aad ula yaabeen aqoonta xadigaas leh ee sheekha IIIaahay ku manaystay. Sida mid yaman looga soo tiriyey soo Sheekha ay ku soo amaaneen magaalada Hargeysana ay awgii ku soo amaaneen.

Waxaanu ku soo lifaaqi iyada oo dhan xaga dambe oo Qasaa’idka mawduuceena khuseeya aanu ku soo qori. Waxa kale oo ka mid ah raga sheekha wax ka yidhi Sayid Xamaad Maxamed oo Ra’iisu Bicsatu As-har 1971-kii oo Masri aha. Wxuu ku tilmaamay kitaab sheekhu qoray xeedho aad u macaan oo ay ka buuxdo cunto kala jaad jaada oo qof waliba uu ka heli karo wixii uu uga baahdo oo aanu kaaftoomi Karin ka bilowga ah iyo ka cilmiga heerka sare ka gaadhay midoodna. Waxa kale oo uu sheekhu dhiiri gelin jirey Culimada soomaaliyeed ee doona inay wax alifaan; kuwaas oo qaarkoodna uu u xisi jirey qaarkoodna uu u ahaa xidhiidhiye iyaga iyo madbacada, wakhtigaas oo uuu yaraa xidhiidhka soomaalida ee dibeda oo uu markaas sheekhu keligii xidhiidh la lahaa madbacada dibada. Sida Mustafa Baabul Xalabi ee Masar. Marka sheekha madbacad u direy kutubka hoos ku qoran oo culimo soomaaliyeed aliftay (AI-Xaduqatul Tafsiir) oo uu alifay sheekh Cabdi Raxmaan Saylici iyo (Nasrul-Mu’miniin) oo uu alifay Sh. Cabdilaahi Qudubi.

Sheekhu wuxuu ahaa marjaca keliya ee ummadda soomaaliyeed ee lagu noqdo marka wax la garan waayo. Sida markii dayaxa la tegay ee culimadii tidhi lama gaadhi karo qofka yidhaahdaana waa gaaloobay. Sheekha ayaa raadiyowga Muqdisho ka hadlay oo dadka ka dhaadhiciyey in la gaadhi karo ayna mustaxiil ahayn, sidoo kale wixii la garan waayoba sheekha ayuun baa la weydiin jirey sida suxunta ay yidhaahdaan way wareegaan oo wey duulaan; taana wuxuu sheegay inay jirto Mashluuq oo xaga sare inaga jira oo markuu doono uu IIIaahay isu keeni karo inaga iyo iyaga. Sidoo kale wixii caqiidooyin faasida la yimaadana ama diinta qaloocinaya ilaahay raali ha ka ahaadee sheekha ayaa Radiyi jirey. Sida kibtaab sheekhu uuku radiyey kuwa Awliyada iyo Tawsulka Saalixiinta waxa ka sheega oo la yidhaa (Irshaadul Adkiyaa Fii Xukmi Tawasulil Awliyaa). Iyo Buug la yidhaa (AI-Wuxdatu Fil Islaam) oo sheekhu kaga hadlayo sida wadajirka Islaamku uu yahay (Isku Duubni) tafaraaruqana uu xaaraantinimeeyay iyo sharciga islaamku wuxuu ka qabo qofka dadka ka dhex baxa ama wax u dhimaya isku-duubnida kuwaasoo uu ku Radiyayo Dadka diinta isku koox kooxaysta inta kalena iska fuquuqa, oo noocyadaasi imika ku badan yihiin dalkeena.

Hadaba aan u soo noqono halgankii sheekha ee Tacliinta uu u soo maray waqtigii Ingiriisku uu soo jeediyey in uu wadankeena u sameeyo Nidaamka waxbarashada Aasaasiga ah ee dadkuna ay arrintaas aad uga hor yimaadeen iyaga oo u haysta in caruurta laga gaaleeyo. Skeekhu markiiba wuxuu dersey Nidaamkii waxbarasho ee uu Ingiriisku watay waxaanu fahmay faa’iidada Nidaamkani ummadda uuu u leeyahay waxaanu ku wareegay magaalooyinka waweyn oo dhan waxaanu ku guulaystay in uu ‘aakhirkii dadka qanciyo inkastoo sheekha wax kasta lagu yidhi oo wuu gaaloobay la yidhi, oo culimada qaar albaabada ay ka xidheen, hadana sheekha marka danbe saguun baa 1oo soo noqonayey; wuxuuna sheekhu ogaaday kuwii culimada isku sheegayay ee lahaa diinta ayaa xaaraantinimay naysa in ay Diinta Been ka sheegayaan danta ay ka leeyihiina ay tahay inay ay dadku iyaga u xidhxidhnaadaan. Ingiriisku markuuu arkay duruustii mederisada sheekha lagu dhiganayey iyo xeeldheerida aqoontiisa diineed iyo guudba ayay u aragtay inaanay sina uga maarmayn sheekha kaalin weyna uu ka qaadanayo Hirgelinta Barnaamijkan. Waxaana ka codsaday in sheekhu ku biro qoladii maamulaysay Barnaamijka Tacliinta 1944-kii iskuulkii ugu horeeyay ee Hargeisa laga furayna waxa lagu bilaabay ardadii Mederisada Sheekha. Sidaa daraadeed hadal waa run kama rays sheekhu wuxuu ahaa curadkii Tacliinta wadankeena (Ama Aabihii Waxbarashada). Sida Tix uu u tiriyey abwaanka weyn ee Dacar uu ku tilmaamay:-

Curadkii Tacliintiyo kuwii Calanka u Halgamay noo Ciidmay weeyaan Sheekh Cali Ibraahim).
Berigii cadaawuhu dalka cagaha soo dhigay aynu caamada ahayn Caarsha yidhi iskuulada caruurtiina keensada, celiyaay la wada yidhi, Wadaadadii cadhoodeen, Casrigii ka taliyee, Barta yidhi Culuuntee na caynaanshay weeyaan Sheekh Cali Ibraahim).

Sheekhu macrakada ama dagaalka uu sheekhu tacliinta u soo maray iyo wadaadadii ka soo horjeeday kitaab dhan oo ka sheekaynaya wuu qoray waanu daabacan yahay Halkan qasiidooyin uu ka tiriyey oo khuseeya kuwa Tacliintaas iskuulada xaaraantimaynaya baanu idiinka sheegi. Kuwaas oo uu ku tilmaamay inay dadka lugoynayaan gaaladana ay ku saacidayaan inay weligood dalka haystaan sababtoo ah cilmigii ay wax ku kala garan lahaayeen ee dadka indhaha u furi lahaa bay ka hortaagan yihiin. Kuwaas oo sheekhu yidhi dhimashadooda ayaa ummadda uga khayr roon Noloshooda waa wadaad xumaha nooca la yidhaa in laga magic roonaado iyo in cid kale soo baxdo may rabin. Waxa sheekhu dadka uu ku guubaabinayey in ay waxbarashadu tahay tay heeryada gumaysiga ku tuuri lahaayeen, isla markaana ay tahay seeskii dawladnimadooda; Gurina aan la taagi Karin sees la’aan. Sheekhu intuu Wasaarada Waxbarashada la soo shaqaynayay inta badan wuxuu ahaa macalin isagoo fahmay qiimaha ay macalinimadu leedahay iyo sidii uu dadkiisa jahliga uga saari lahaa. Sheekhu sidii uu jihaadka waxbarista ugu soo xusul duubayey ayaa dowladii Ingiriisku isugu yeedhay Qaadiyadii iyo Culumadii waxay u sheegtay inay Machad Diiniya u dhisayso markaas waxay ka codsatay inay meesha looga dhisayo iyo sheekhul Machadka soo doortaan – waxay isku raaceen in machadka looga dhiso Burco, sheekhana looga dhigo Sh. Cali, sidaa daraadeed ayay xukumadii Ingiriisku sheekha ugu dirtay Suudaan 1959-kii. Si uu uga soo faa’iidaysto habka maamulka machadada. Intii sheekhu Suudaan joogay wuxuu xidhiidh la sameeyay heerarka kala duwan ee diraasada ilaa heerka u sareeyay ee Kuliyadaha waxaanu mudo sanado ah ku soo qaatay “Machadul Masar Wa Suudaan) inkastoon machadkii la dhisin hadana sheekha hawli kuma baaqan halkii buu ka sii waday Halgankiisii iyo sidii uu jahliga ugala dagaalami lahaa dadkeena sidaa daraadeed ayaa sheekha waxa 1oo magacaabay Kormeeraha Guud ee iskuulada dalka ee Carabiga iyo Diinta. Intii sheekhu uu macalinka soo ahaa wuxuu ka soo wada shaqeeyay iskuulada Gobolada Somaliland oo dhan. Eebe Raali ha ka noqdee, Taariikhda uu ku leeyahay Waxbarasha halkan kuma soo koobi karno waxa inagu filan masuuliyiintii u horaysay ee dalkeena hogaanka u qabtay iyo kuwii Hay’adaha waaweyn ee caalamka madaxda u noqdayba waxay ahaayeen Ardaydii Sheekh Cali Ibraahim. This website is dedicated to the memory of one of modern Somalia’s greatest scholars, a master of tasawwuf and reviver of the traditional Islamic Sciences, Shaikh Ali Haji Ibrahim (May Allah have mercy upon him), born in Somaliland (1905-1984).