Xuska Siyaarada Sheekh Cabdiqaadir Jeylaani oo Hargeysa Laga Oogay iyo Doorka Culmida Qaadiriyada

 

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu Xusayey Raxiimullaah Sheekh Cabdiqaadir Jaylaani, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen Culimo badan, Masuuliyiin Golayaasha Dowladda Somaliland ka socda, Mudan iyo Marti-sharaf kale.

Xafladdan Xuska Sheekh Cabdiqaadir Jaylaani oo lagu qabtay Huteel Crown ee magaalada Hargeysa, ayey soo qaban-qaabiyeen Culimada Xerta Sheekh Maxamed Rabiic ee Qaaddiriyada, waxaanay Culimadu ka sheekeeyeen Taariikhdii Sheekh Jaylaani.

Ugu horeynna waxa hadalka furay Sheekh Xasan Sheekh Cali Badri oo ka warramay taariikhda iyo sooyaalka Sheekha, waxaanu yidhi; “Sheekh Cabdiqaadir waa ka fadligiisu ku faafay carab iyo cajab oo dhan iyo muslimiinta oo dhan. Sheekh Cabdulqaadir lagama yaqaaano dhulka muslimiinta oo keliya laakiin dacalladabdunida oo dhan baa laga yaaaan”. Sidaa ayuu yidhi sheekh Xasan. Waxaanu intaa ku ladhay ” sheekhu waxa uu ku dhashay tuullo Ciraaq ku taalla oo Jiillaaniya la yidhaahdo. Waxaanu ku xijaabtay Baqdaad oo immikana ah xarunta ugu weyn ee lagu siyaarto.”.

Dhinacooda waxaa iyaguna halkaa ka hadlay oo si qoto leh uga sheekeeyey taariikhda iyo sifaadka sheekha, Xil. Cabdi Muxumed Caateeye, Xildhibaan Siciid Cil i rooble iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiillada md. Axmed Yaasii  Sheekh Cali Ayaanle oo dabcan isagu soo xidhay xuska munaasibada siyaaradda Sheekh Cabdilqaadir Jiilaani.

“Waxa uu ahaa caalim weyn oo dunids oo dhan laga yaqaanno, aqoontiisana waxa u xaadiri jiray dad lagu qiyaasay 72 kun oo qof isaga oo aan mikirifoonka aynu hadda adeegsanaa aanu jirin ayuu dadka intaas leeg ballaaqadiisu gaadhi jirtay, taasina waxa ay ka mid ahayd karaamooyinkiisii” sidza ayuu yidhi xil. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Warka Munaasibaddan oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan.

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com
Hargeysa, Somaliland