Xuska sannad-guuradii xukuumada siilaanyo, xayaysiiskii waxqabadka iyo xikmadii qodaal joog

Sacad Qodaal-Joog

Waraysigii manaamka shanta wasiir ee xukuumada madaxwayne siilaanyo

 Ø     Qurba joog iyo  qodaal jooguba

Ø     Laba weeyi qiraala

Ø     Inay qayb ka yihiin

Ø     Qarankan manta aan joogno

Ø     Qormo ay ku kulmeena

Ø     Salaam qiima lahoo

Ø     Qalbi saafiyi dhiibay

Ø     Qaxwihiina la raacshay

Ø     Waxay soo qadimeen

Ø     Kaftan qaaya lahoo

Ø     Taladii qarankeeniyo

Ø     Quruskooda ku saabsan

Qurba joog. Madax wayne siilaanyo golahii wasiirada ee uu soo  xulay waxan oo wax qabada maxay dadaal muujiyeen ee ay soo bandhigeen een warbaahinta madaxa banaan ku soo qoreen ma iyadaa wadanka kaba muuqataba tolaw ma kaartadiii hay,adaha caalamiga ah ayay fahmeen .

Qodaal joog. Horta kaftankaaga iyo sheekadaada waxaan ka sii jecelahay fahankaaga qaaliga ah waar ma  durbaad fahantay in xukuumadan siiraanyo ku shaqaynayso kaartadii hay,adaha caalimiga ah (EE QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN) waxan oo wax qabada ee ay sheeganayaan baadhis iyo xuuraan ayaan ku sameeyay waxaanan manaam waraysi kula  yeeshay shan wasiir oo ka mida golaha wasiirada walibana loo yaqaano wasiirada xaraashka ah ee xukuumada madax,wayne siilaanyo.

Qurba joog. Waar miyaynu wada soconay aniguna waxaan xuuraan ugu  jiray  xam,xamta dad waynaha xanta suuqyada iyo sida ay u arkaan dad waynuhu xayaysiiskan wax qabadka ah ee xukuumada madax,wayne siilaanyo.

Qodaal joog . mudadan aan kala maqnayn xikmadbaan la aamusnaa oo iga soo guuxaysay bal waxyar aan kaaga iftiimiyo waraysigii aan riyada kula yeeshay shan xubnood oo golaha wasiirada ka tirsan iyo xikmadii ka dhalatay

v    Gogol xaadhka faalada

v    Duurxul baan ka dhigayoo

v    Halxidhaale weeyoo

v    Murtidana xadkeediyo

v    Xuduudkeeda kama bixin

v    Kuwa fulinta loo xulay

v    Wasiirada xaraashka ah

v    Xafiisyada ku booqdoo

v    Kaftan baan ku xagayoo

v    Xogna waan ka urursaday

v    Xikmad baa ka dhalatoo

v    Xaruntii warfaafintaa

v    Xaabsade ku booqdoo

v    Wuxu yidhi xariirow

v    Gobolkaan xigtaystiyo

v    Xuduntaydu ay taal

v    Xuurtaan ku haystaa

v    Xagjirkiyo shabaabkana

v    Anigaa xidh,xidhi kara

v    Xabsiyada ku guri kara

v    Xasilooni dhalin kara

v    Xalin kara khilaafyada

Qurba joog. Af=aanad lahayn lama aamusiin karo waxaa kaaf iyo kala dheeri ah sida ay uaragto xanta suuqyadu een xuuraan ka kusoo helayiyo xam xamta ay  dadwaynuhu isla dhexmarayaan sida ay tixdani tilmaamayso.

v    Xogtan baadi doon keed

v    Qalin lagu xariiqiyo

v    Xaashi baan u qaatoo

v    Dadwaynaha xantiisiyo

v    Xam,xamtooda hoosaan

v    Xuuraamay maal,moo

v    Xaqiiqday ka hadashee

v    Sool iyo xageedaa

v    Garaadadii xukumi jiray

v    Dhaqan lagu xurmayn jiray

v    Xagay manta joogaan

v    Mashruuc xoolo lagu cuniyo

v    Xoorkiisu waynyahay iyo

v    Xoodaamin mooyee

v    Ma isagaa xal waariyo

v    Xasilooni dhalin kara

Qodaal joog. Aad iyo aad ayaan ugu  faraxsanahay sidaad iigu hal celisay waxaan filayaa in kaftankeenii miisaamanyahay maanta

v    Xaruntii madaxtooyadaan

v    Dalkan laga xukumo baan

v    Xirsi aan ku booqdoo

v    Wuxuu yidhi xariirow

v    Waayeel xil qaadaan

v     xigtadiisa ahayoo

v    Xukuumadii uu soo dhisay

v    Xilalkaygu tiro ma leh

v    Ma ogtahay xariiroow

v    In aan wasiirada xanibi karo

v    Xilka qaadis fulin karo

v    Xanaanayta odagana

v    Xog hayaan ka ahayoo

v    Xigaalkiidu waa ani

Qurba joog. Wasiir xirsi gaab waxuu si wayn inoogu iftiimiyay heerka awoodiisu gaadhsiisantahay inkasta oo aanay dadwaynuhu u arag sidan uu isku arko sida ka muuqata tixdan

v    Xam,xamtii dad waynuhu

v    Xaqiiqday ka hadashee

v    Is xariifin mooyee

v    Wasiirada xaraashka ah

v    Xubnahooda muu galin

v    Aniguna xaqiiqsani

v    Nin xamaasad badantahay

v    Xadro joog duceeyoo

v    Maqaamyada xurmeeyiyo

v    Ka xanaaqda qaadkana

Qodaal joog . iyada oo halkaa inooga sii socota xog warankii aan la yeelanay xubno ka mid ah wasiirada xaraashka ah.

v    Xaajigii gaboosana

v    Xuduntii amaankaan

v    Xarunteeda ugu tagay

v    Wuxu yidhi xariiroow

v    Xilkan manta aan hayo

v    Xirfadaydu kala duwan

v    Dhakhtar xoogan baan ahay

v    Xanuunada yaqaanoo

v    Marna qaran xukumi jiray

v    Riyaalana xaqiri jiray

v    Xabsigana mar galayoo

v    Xuquuqdiisa lagu gafay

v    Kootadii xidhnaydee

v    xisbiyadu samaysteen

v    kii xoreeyay baan ahay

qurba joog. Wasiir gaboose waxuu sheegay wixii maskaxdiisa ka dhex guuxayay xam xamta dadwaynuhu waxay sheegaysaa in aanu wasiir gaboose xog ogaalba u ahayn xilkan wasaarada arimaha gudaha.eeqaranka uu u hayo sida tixdani tilmaamayso

v    Xam,xamtii dad waynuhu

v    xaqiiqday ka hadashee

v    shaw odaygu  xaalkaba

v    xo,ogaalba uma aha

v    isku xidhkii dalkeenana

v    xog hayuhuu wakiishaba

v    shuruud buu ku xidhayaa

v    xoojintii amaankana

v    xageedaba u muu kicin

v    xiisuhuu u aqbo urur

v    kala wayn xilkii qaran

qodaal joog   markale waxaan booqday xarunta wasaarada maaliyada anigoo manaamkii ku jira sida tixdani tilmaamayso.

v    xaruntii  maaliyadii

v    dakhli lagu xisaabshaan

v    wasiir xaashi ugu tagay

v    waxuu yidhi xariiroy

v    xalaal quute baan ahay

v    xeerarkana  yaqaanoo

v    miisaaniyad xad dhaafiyo

v    dakhli soo xereeyoo

v    musuqiyo xatooyadii

v    xakamahaan adkeeyoo

v    xadhkahaan u jiidoo

v    xogna waan ka haystaa

qurba  joog   si wayn ayay isku waafaqsan yihiin xog waraysigii uu qodaal joogu manaamka kula yeeshay shanta xog warankii qurba joogu sida tixdani tilmaamayso iyadoo si wayn uga murugaysan cabashada cadaalad darada ay shaqaaluhu tirsanayaan sida isku badalkooda hawl galinta waaxda kastamada.

v    xam xamtii dawaynuhu

v    xaqiiqday ka hadshee

v    xaal xaalka hoosiyo

v    xuquudii shaqaalaha

v    lama sugin xadkoodii

v    kastamada xagoodana

v    ragbaa xero ka ootoo

v    xaandaabtay  gabigood

v    gacal iyo xigtaa timid

v    xubin xubin shaqaalaha

v    marwo xaawo taakiyo

v    xildhibaano lagu dhaaf

qodaal joog   mar kale waxaan booqday wasaarada duulista iyo hawada waxaan manaam ku waraystay wasiirkii oo ku sugnaa xafiiskiisa.

v    xaruntii madaarada

v    xogta duulimaadyada

v    xeradeeda booqdoo

v    wasiir xaashi ugu tagay

v    waxuu yidhi xariirow

v    qurba joog xaruuriya

v    xirfad iyo aqoonloo

v    xjdhiidhada aduunkana

v    xog ogaal u noqon kara

v    xilkan manta aan hayo

v    xoolaan ku helayoo

v    lacag baan xawili jiray

v    xaadhintii madaarada

v    xoolahaan ka celiyaa

v    dhagaxaan ka xaadhaa

v    geedkii xad dhaafee

v    xuduudkooda soo gala

v    gudunbaan ku xiiraa

v    xididkaan u siibaa

qurba joog   wasaarada duulista iyo hawda mududii ay jirtayba waxay dhaafi laadahay madaarada dhagaxaan ka xaadhaa iyo xoolahaan kacelinaa waxyna leedahay  goormaa lagaadhi ee madaarada dayr loo samayn ama silig lagu xidhi oo xayndaab looga dhigi xam xamta dadwaynuhu waxay leedahay sida tixdani timaamayso

v    xam xamtii dadwaynuhu

v    xaqiiday ka hadashee

v    xaadhintii madaarada

v    xayndaabka dayrkiyo

v    adoosilig ku xidhikara

v    xaajadii wax qabadkee

v    lagu xusay warbaahinta

v    xayaysiis ma noqotoo

v    iyo xeel dad lagu siro

Qalinkii: Sacad Maxamuud Gadhle

Email.qodaaljoog1@gmail.com

TELL  .4669910